Shir lagu qorsheynayo sidii ciidamada DF loogu wareejin lahaa amniga oo furmay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shir u dhexeeya Taliyayaasha ciidamada dowlada Somalia iyo AMISOM.

Shirka oo socon doona muddo afar cisho ah ayaa waxaa looga arrinsanayaa sida ciidamada Somalia loogu diyaarin lahaa la wareegida amniga Somalia, oo iminka ah mid intiisa badan ku jira gacanta AMISOM.

Shirka oo ka furmay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ah Saraakiil kasoo kala jeeda dowladaha Yurubta kuwaa oo tababara ciidamada dowlada Somalia isla markaana caawiya AMISOM.

Shirka ayaa waxaa xooga lagu saarayaa qaababka loo wajahayo xiliga kala guurka ee ay AMISOM dalka ka baxeyso iyo Hanaanka ay ciidamada dowlada ula wareegi lahaayen baraha ay iminka ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.

Shirka ayaa waxaa dhanka Madaxda dowlada ka qeybgalaaya Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha, halka AMISOM ay u matalayaan Madaxa Midowga Afrika ee Somalia, Saraakiisha sar sare ee AMISOM.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Amb. Francisco Madeira ayaa sheegay in shirkan ahmiyadiisu tahay sida ugu haboon ee go’aamada iyo talooyinka loo gaari karo, hadii ay yihiin AMISOM iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay isku furi doonaan waddooyinka go’an, isla markaana ay sugi doonaan ammanka doorashada sanadka 2021.

Bishii April ee sanadkan Madaxda Soomaalida ayaa gaaray heshiis ku saabsan dhinaca ammaanka, kaasoo dhigaya dhismaha ciidamada qaranka ee AMISOM kala wareegaya Ammaanka, marka la gaaro sanadka 2018.