Sawirro: Sidee ayuu xilka ula wareegay Taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga dalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).

Xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho, waxaana goob-joog ka ahaa ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi, ayaa goobta ka sheegay in Taliyaha cusub laga doonaayo inuu la imaado qorsho looga hortagaayo kuwa caadeystay xasuuqa shacabka.

Taliyihii hore ee ciidamada waxa uuna guula u rajeeyey taliyaha cusub ee xilka la wareegay ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sareeyo Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) oo ah Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in xasuuqii ka dhacay Isgoyska Zoobe uu ahaa fariin loo diray ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo looga baahanyahay in ay difaacdaan dadkooda iyo dalkooda.

Waxa uu sheegay inay u taallo howl adag oo u baahan in lagu difaaaco dalkeena cadowga dhibaatada ku hayo, waxa uu xusay in hoggaanka iyo ciidankuba ay gaarsiin doonaan meesha ay maanta joogaan meel ka sareysa, loona baahan yahay in Ummadda Soomaaliyeed ay si joogta ah u garab istaagaan ciidamada Xoogga dalka.