Sawirro: Sidee madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay magaalada Cammaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Cammaan ee dalka Urdun gaaray Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi ballaaran oo uu Hogaaminaayay.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Diplumaasiyiin ka tirsan Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta Khudbad ka jeedin doona Shirka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmaaya magaalada Cummaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah 22-ka Hoggaamiye ee ka qeyb geli doona Shirkaasi oo diiradda lagu saarayo Xiisadaha ka aloosan dalalka Carabta, gaar ahaan Somalia, Syria, Yemen, Iraq, Iiran iyo Libya.

Boqorka dalka Maroko, Maxamedka 6-aad ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galayo Shirka Carabta tan iyo sannadkii 2005-tii.