Sawirro: Syria oo soo bandhigtay warshado hubka lagu sameeyo oo laga qabsaday ISIS

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Syria ayaa soo bandhigtay agab Militery oo ay ka qabsatay maleeshiyaadka Daacish ee ka dagaalanta dalkaas iyo dalal kale oo dhowr ah.

Dowlada Syria ayaa soo bandhigtay Gaadiid dagaal iyo Hub kale oo ay Daacish ka carartay, xili laga sifeeyay Saldhigyadii ay ku lahaayen magaalooyin ay kamid aheyd Raqqa.

Waxyaabaha looga qabsaday magaalada Raqqa ayaa waxaa kamid ah warshado sameeya Hubka waaweyn, kaa oo ay Daacish ku sameysan jirtay Hubka.

Maleeshiyaadkan ayaa waxaa sidoo kale Hub looga qabsaday dagaal muddo sannad ku dhow ka socday magaalada Mosul ee dalka Ciraaq.

Kooxda Daacish, ayaa laga sifeeyay dhammaan Dalka Syria, waxaana iminka lasoo warinayaa inay gabaabsi ku yihiin dhul fara ku tiris ah oo ku yaaala Ciraaq.