Sawirro: Taageerayaasha Raila Odinga oo rabshado ka sameeyey Nairobi iyo gaadiid la gubay

Nairobi (Caasimada Online) – Dibad-baxyo looga soo horjeeday natiijada doorashada Kenya ayaa maanta ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dibad-baxayaasha ayaa sii xoogeystay kadib markii ciidamada Booliska ay isku dayeen inay kala eryaan dibad-baxayaasha, waxaana halkaa ka dhacay isku dhac dhexmaray ciidamada iyo dadkii isku soo baxay.

Dibad-baxayaasha ayaa la sheegay in ujeedkooda uu ahaa inay soo dhaweeyaan Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya, Raila Odinga, xilli uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Raila Odinga, ayaa xiligii uu soo gaaray magaalada waxaa Garoonka Jomo Kenyatta looga soo galbiyay tobaneeyo gaadiid ah, waxaana soo dhawayntiisa ka qayb qaatay siyaasiyiinta ay NASA ka wada tirsan yihiin.

Ciidamada Booliska oo wadada kusii diyaarsanaa ayaa gaadiidkii lagu gelbinaayay Raila Odinga ooda uga qaaday sunta dadka kaga ilmeysiisa, iyadoo taageera yaashii soo dhaweynayayna ay u adeegsadeen biyaha lagu kala eryo dibadbaxayaasha, halka taageera yaasha Raila Odinga ay dhegxaan ku tuurayeen ciidanka, iyagoona gubay tiro gaadiid ah.