Daawo sawirrada: Is-beddelka ka muuqda Pizza House kadib weerarkii Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhis iyo nadaafad lagu bilaabay Maqaaxida Pizza House oo dhawaan lagu laayay inkabadan 25 ruux oo shibil ah kadib markii ay maleeshiyaadka Shabaab ku qaaden weerar ismiidaamin iyo mid toosa ah.

Dhismaha iyo nadaafada ayaa waxa ay si siman uga soctaa gudaha iyo daafaha Pizza House, waxaana ka qeybqaadanaaya sodomeeyo ruux.

Gudaha Pizza House ayaa waxaa weli kasoo uraaya dhiiga shacabkii lagu dhex laayay xili ay ku guda jireen afurka.

Maqaayada Pizza House ayaa aheyd goob ay inta badan dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho tagaan, iyadoo halkaas ay aheyd meel aad u qurxoon oo loo dalxiiso maalmaha farxadda sida ciidaha oo kale.