Sawirro: Maamulka Gobolka Banaadir oo saaka dib u furay waddo muhiim ah oo xirneyd

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaanahan maamulka Gobolka Banaadir uu waday qorshooyin dib loogu furaayo waddooyinka xiran ayaa waxaa saaka lagu guuleystay furitaanka wadada isku xirta Isgoyska Shaqaalaha iyo KPP.

Wadadaani oo ahmiyad gaara u leh isku socodka dadweynaha ayaa u xirneyd sababo amni darro.

Wadada oo lagu jaray difaacyo ayaa waxa ay u xirneyd Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, gaar ahaan xarunta Baasaboorada laga bixiyo.

Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, oo goobta gaaray ayaa ku dhawaaqay in wixii hada ka dambeeya ay furan tahay wadada.

Wasiir Islow waxa uu farta ku goday inaanu dhici doonin waddo u xirnaan doonta amni darro, waxa uuna shacabka ugu bishaareeyay inay isticmaali doonaan waddo waliba oo ku taal magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray goobta ayaa sheegay in wadadan ay muhiim u tahay isu socodka qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxa uu intaa raaciyay Guddoomiyaha inay furayaan waddooyin kale oo u xiran amni darro, waxa uuna sheegay in wixii amniga la xiriira looga danbeyn doono ciidamada, balse aan dhagxaan lagu sugi karin amniga.