Sawirro: Xildhibaano muran uu ka taagnaa oo si deg deg shahaadooyin loo siiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa shahaadooyin siiyay xildhibaano kuraastooda muran ka taagnaa oo beesha caalamka ay daba joogtay.

Bixinta shahaadooyinka xildhibaanada iyo kaararka aqoonsiga ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan in si gaabis ah ay u socoto howsha kadib markii laga dhigay shaqo adag oo u baahan in xildhibaankii uu ay ku qaadato in ka badan 2 saacadood.

Guddiga Doorashada ayaa la sheegay inay si degdeg u siiyaan shahaadooyinka xildhibaano gaaraya 7 oo ka mida 13 xildhibaan ee Beesha caalamka ku daba jirto oo la sheegay inay dacwad ka taagneyd kuraastooda oo Guddiga Khilaafaadka si aan la fahmin ay uga reebeen kuraasta la laalay.

Xildhibaanada Shahaadooyinkooda la bixiyay ee kuraastooda la isku heystay waxaa ka mida: Saadaq C/kariin iyo C/qaadir Gaafow.

Shalay ayaa wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, wax si cad u qaadacay in Liiska 11 Xubnood laga reebo Xubnaha kale ee garabka u ah Xasan Sheekh Maxamuud ee qaabka Musuq-maasuqa lagu doortay.

Michael Keating, ayaa sheegay in Liiska 11 Xubnood oo ay soo xuleen Guddiga Khilaafaadka doorashooyinka uu yahay mid xaaran ah, waxa uuna qiray in Liiskaasi uu yahay mid lagu qarinaayo kan Xubnaha Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com