Sawirro: Xog ku saabsan kulankii dhex maray R/W Kheyre iyo Sheekh Shariif

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kala hadlay Shariif Xaaladda Soomaaliya iyo sidookale sidii uu kaga qeyb qaadan lahaa dejinta Xiisaddaha kala duwan ee ay wajaheyso Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Shariif booqashada uu maanta ugu yimid, wuxuna tilmaamay mudane shariif inuu yahay muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay mudadii uu xilka hayay, xiligana diyaar u ah inuu wixii tallo ku biiriyo madaxda qaranka.

Sheekh Shariif ayaa ka mid ah Shaqsiyaadka ah sameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu dhawaan dib ugu soo laabtay Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale soo baxayay maalmihii lasoo dhaafay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay xil u magacowdo Sheekh Shariif.