Seynab Laba Dhagax iyo Kampala: Sawirro iyo Wareysi xiiso badan.

Fanaanadda Soomaaliyeed ee caanka ah Saynab Maxamed Xaaji (Saynab Labo Dhagax) ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda habeenka 5-ta bishan ka dhigaysa bandhig faneed ay ugu talo gashay in ay ku wacyigeliso bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda.

Saynab Labo-dhagax oo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/11/2012 soo gaartay magaalada Kampala ayaa waxaa soo dhaweynteeda ka qeyb qaatay dadweyne aad u fara badan oo sitay sawirkeeda iyo caleemo qoyan iyo sidoo kale calanka buluuga ah ee Soomaaliya.

Fanaanadda oo aan ku booqanay Hotelka ay ka degtay magaalada Kampala ee dalka Uganda oo lagu magacaabo Hotel Tagy ayaa waxaanu halkaas kula yeelanay wareysi kooban, waxayna sheegtay in ay ka timid magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, halkaasoo iyada iyo Al-fannaan Axmed Naaji Sacad ay ku casuuntay safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Fannaanadda Saynab Labo-dhagax waxa ay sheegtay in ay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ay ku sameeyeen iyada iyo fannaanka Axmed Naaji Sacad heeso waddani ah oo lagu taageerayo dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Saynab Labo-dhagax waxa ay sheegtay in ay samaysay NGO la magac baxay International Art and Youth Intiative kaas oo lagu fulinayo mashruuc la magac baxay Partnership for Change, Empowering Youth Through Art oo loogu talo galay in lagu wacyigeliyo dhalinyarada Soomaaliyeed oo muddo 22-sano ku dhex jiray dagaalo sokeeye.

Saynab Labo-dhagax oo ah fannaanad heer qaran ayaa Hotelka ay Kampala ka degan tahay waxaa ku booqday oo ay kula kulantay mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Uganda, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan oo dhawaan soo gaaray dalka Uganda, madax ka tirsan Xisbiga nabadda iyo horumarka (PDP) ee Kampala oo ay ka socdeen Muuse Maxamed Cusmaan iyo Xuseen Ibraahin Nuur iyo dadweyne fara badan.

Seynab Maxamed Xaaji (Seynab Laba Dhagax) waxa ay sheegtay in ay dhawaan tegi doonto magaalada Muqdisho oo ay dooneyso in ay ka hirgeliso NGO lagu wacyigelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si loo dhaqan celiyo dhalinyarada, maskaxdoodana looga tir-tiro dagaallada sokeeye iyo waxyaabaha dhaqan xumada ah.

Fanaanada Saynab Labo-dhagax bishii Maarso ee sanadkan aynu ku jirno ayay tagtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, xilligaas oo ay Muqdisho geysay mucaawinooyin ay u qeybisay dadkii barakacayaasha ahaa ee ay saameeyeen abaarihii ka dhacay dalka Soomaaliya, waxayna fannaanada barakacayaashii ku sugnaa magaalada Muqdisho u qeybisay gargaar kala duwan oo isugu jiray Bariis, Caano, Timir, Saliid iyo Sokor, kuwaasoo ka maqsuuday deeqdaas ay fanaanada gacanteeda ugu qeybisay, iyagoo uga mahad celiyay fanaanada sida sharafta leh oo ay u maamuustay, waxayna illaah uga baryeen in fanaanada uu Ilaahay karaameeyo, maadaama ay sharaftay.

Fanaanadda Saynab Labo-dhagax ayaa xilligaas ugu baaqday fanaaniinta, abwaaniinta iyo dadka dibada jira in ay dalkooda yimaadaan iyadoo xustay in dalku uu nabad yahay, wuxuuna socdaalkeeda Muqdisho daahfur u yahay amniga ka jira Muqdisho iyo inay fannaaniinta kale tagaan caasimadda dalka.

Waxa wareystay: Caaqil Dalmar

caaqildalmar@hotmail.com