SHAACIN: Fadeexadda iyo laaluush qaadashada hay’adda qandaraasyada Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Hay’adda Qandaraasyada Puntland waxaa aasaasay Madaxweynaha ugu horeeyey ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Waxaana guddoomiye looga dhigay Ibraahim Cumar Aadan sanadkii 2000, waxaana xusid mudan inaysan shaqadeeda qabsan tan iyo markii lagu dhawaaqay.

Markii sanadkii 2014 Puntland loo magacaabay Madaxwyenihii shanaad Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayuu mar kale bilaabay inuu howgaliyo Hey’addaan, waxaana guddigii la magacaabay ee qandaraasyada Guddoomiye looga dhigay Ibraahim Cumar Aadan.

Waxaa si rasmi ah xariga looga jaray Hey’adaan 23 December 2014 markaas oo ay xafladda kasoo qeybgaleyn hey’ado Caalami ah iyo qandaraaslayaal si ay hey’adda u noqoto mid si fiican u hirgeliso Shaqadeeda.

Fadeexooyinka ka jiro Hey’adda 

Tan iyo markii uu Cabdiweli Gaas dib u howl geliyey Hey’adaas, waxaa bilaabatay in la dhinac maro sharcigii iyo wadadii loogu talagalay inay shirkadda ku shaqeyso, waxaa lagu takri falay awoodii Hey’adaas.

Waxaa bilaabatay inay hey’adda qandaraasyada siiyo shaqsiyaad iyo hey’ado saaxiib la ah madaxda Hey’adda qandaraasyada Puntland, waxaa wax caadi ah ka noqotay in qandaraasyada yimaado si hoose loogu gudbiyo shaqsiyaad iyo hey’ado aan aqoon fiican u laheyn waxna kusoo kordhin Puntland iyadoo laga raadsanayo lacago iyo Laaluush, mana jirto ilaa hadda mashruuc si dhab ah loo fuliyey oo laga miro dhaliyey.

Waxaa dhacdo markasta in dadka la siinayo qandaraasyda lagu xujeeyo laaluush, waxaana inta badan la doortaa shaqsiyaad hey’adda aad ugu dhaw oo fulin karo laaluushkaas laguna kasloonaan karo, waxaana jiro musuq maasuq ku aadan: Qandaraaska, Qiimeynta iyo kala saaridda.

Midda ugu xun ayaa ah inuu Gudoomiyaha hey’adaan loogu talagalay in bulshada loogu adeego uu leeyahay shirkad isaga u gaar ah oo lagu magacaabo TANADCO CONSTRUCTION COMPAY taasoo si musuq maasuq ah lagu siiyo inta badan mashaariicda.

Gudoomiyuhu wuxuu is hor taagay in Hay’adda loo sameeyo Capacity Building  taas badalkeedana waxa uu u sheegay World Bank iyo Hay’addaha ay quseyso arrintaan in ay isku filan yihiin, waana Hay’adda kaliya ee Puntland ee aan wax Tababaro helin tan iyo markii Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu dib u hawl galiyey.

Madaama ay tahay Hay’addii qandaraas-bixinta waxay u baahan tahay in la tayeeyo si ay u awoodo maamulida Mashaariicda loona fuliyo sida ugu wanaagsan.

Dacwad iyo eedeyn laga gudbiyey Hey’adda

Guddigga iyo Shaqaalaha waxay ka gudbiyeen hey’adaan inay jirto fadeexad badan oo ay ku jirto ku takri falka maamulidda qandaraasyada, Maaliyadda, Canshuurta dowladda uga soo xaroon laheyd oo hoos u dhac weyn ku yimid.

Waxaa la caddeeyey inay inta badan lacagaha lunsadeyn  Cabdiqani Dhaashan oo xoghaye ka ah hay’adda qandaraasyadda, Burhaan Cuuke oo ah xisaabiyaha Gubolka Nugaal ee Maaliyadda iyo Jeenyo Gaab oo ah Gudoomiye ku xigeenka Cashuuraha Bariga, waxaana dacwadaas loo gudbiyey Gaas oo aan wax farcelin ah ka bixin, waxayna xogta qaar sheegeysaa inuu isaba ku og yahay Musuq maasuqa ka jiro hey’adaas.

Sida xaqiiqda ah oo la ognahay waxaa dhaqaalaha lunsaday  shaqsiyaadka kor ku xusan iyo Gudoomiyaha Hay’adda qandaraas bixinta, inkastoo uu doonayo inuu kiiskaas kaliya dusha ka saaro seddexda shaqsi ee aan soo sheegnay si uu isaga u badbaado oo aan sharciga loo horkeenin.

Gudoomiyaha wxuu jabiyey sharciga Dawladda iyo kan caalamigaba kadib markii uu nin aan ka shaqayn Hay’adda Qandaraayada ku qoray inuu ka qayb galo shir ka dhacayo South Africa oo World Bank ku marti qaaday Gudoomiyayaasha Hay’addaha Qandaraasyada Puntland, Somaliland iyo Agaasime ka socda Dawladda Federalka ah, waxana booskaas si sharci darro ah loo Cabdiraxmaan oo la rumeysan yahay inuu ka dambeeyey Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo lagu magacaabo Xil. Xuseen Yaasiin Diiriye (Xaaji Waal).

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com