Shan arrin oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato dhaxal sugaha cusub ee Sacuudiga

Tan iyo markii uu aabihii la wareegay boqortooyada, si deg deg ah ayaa loo dalacsiiyay Amiir Maxamed Bin Salmaan, waxaana hadda inuu boqortooyada la wareega ka xigta hal tallaaba oo kali ah.

Sanadihii dhawaa waxaa sii kordhayay awoodaha iyo galaangalka amiirkan da’da yar.

Waxaan halkkan idin kugu soo gudbineynaa dhowr arrimood oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Awoodda uu ku dhex leeyahay qoyska boqortooyada ayuu xoojistay

Aabihii ayuu aad ugu dhawaa xitaa ka hor inta uusan noqonin boqor. Sanaddii 2009, Amiir Maxamed wuxuu la taliye gaar ah u ahaa aabihii oo markaa ahaa guddoomiyaha gobolka Riyaadh.

Tallaabadii ugu weynayd ee sare u kiciisa siyaasadeed waxay timid bishii April ee sanaddii 2015 markaas oo boqor Salmaan uu magacaabay jiil cusub oo dhaxal suagayaal ah.

Boqorka walaalkii, Murqin bin Cabdul Casiis ayaa sanadaasi la eryay waxaana lagu badalay oo dhaxal sugaha koobaad noqday Maxamed bin Nayef.

Waxaana dhaxal sugaha labaad laga dhigay boqor Salmaan wiilkiisa Amiir Maxamedka hadda la dallacsiiyay.

Wuxuu sidoo kale ahaa ra’iisalwasaare ku xigeen.

Tallaabooyinkii dhinaca milatariga

Markii uu boqor Salmaan la wareegay boqortooyada 2015, wuxuu wiilkiisa Amiir Maxamed ka dhigay wasiirka difaaca.

Waxaa lagu tilmaamay inuu nqoday wasiirkii difaaca ee ugu da’da yaraa dunida markii uu xilkaasi la wareegay isagoo 29 sano jir ahaa.

Laba bilood ka dib markii uu xilkaasi la wareegay, Sacuudiga wuxuu hormuuud u ahaa ol’ole milatari oo lagu qaaday dalka ay deriska yihiin ee Yemen.

Isbaheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayay ayaase ku guul darreystay inuu ka caawiyo Madaxweyne Cabdirabbah Mansoor inuu dib ugu laabto caasimadda ay fallaagada gacanta ku haysa ee Sanca

Dhaqaale aan saliid ku tiirsanayn

Bishii April ee sanaddii 2016 ayaa amiir Maxamed oo sidoo kale ahaa madaxa Golaha Dhaqaalaha iyo Horumarka ee Sacuudiga waxaa uu daaha ka rogay isbedello waaweyn oo dhinaca dhaqaalaha ah oo ujeedadu ahayd in lagu soo afjaro ku tiirsanaanta boqortooyada ee dakhliga shidaalka.

Waxa uu sheegay in qorshaha aragtida fog ee 2030 uu tiigsanayo sidii lagu hubin lahaa in Sacuudiga isagoon ku tiirsanayn dakhliga saliida uu sii jira marka la gaaro 2020.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa qorshahaasi ku tilmaantay ‘hami u baahan dadaal badan’. Waxayse ka digtay in fulinta mashruucan ay dhibaatooyin la soo gudboonaan karaan.

Xiriirka Iran isbedel ha filanin

Bishii la soo dhaafay, Amiir Maxamed wuxuu meesha ka saaray suurtagalnimada in dalkiisa uu wadahadal la yeesho dalka Iran.

Labada dal waxay kala taageerayaan dhinacyada ku dagaalamayo dalalka Yemen iyo Suuriya.

Xiriirka Riyaadh iyo Tehraan ayaa sii xumaaday ka dib markii mas’uuliyiinta Sacuudigu ay daldaleen wadaad Shiica ah oo caan ahaa , Nimr Al Nimr

Dowladda Iiraan ayaa dallacsiinta Amiir Maxamed ku tilmaantay afgembi dabacsan.

Waa aabe dhalay afar carruur ah

Maxamed bin Salmaan wuxuu dhashay 31-kii bishii Agoost sanaddii 1985. Waa wiilka ugu weyn xaaska seddxaad ee boqor Salmaan ee Fahdah bint Falah bin Suldhaan.

Amiirada kale ee Sacuudiga wuxuu uga duwan yahay in waxbarashadiisa gebiahanateedba uu ku qaatay gudaha Sacuudi Carabiya.

Maadada qeynuunka ayuu ku diyaariyay jaamaccadda King Saud ka hor inta uusan ka shaqeyn dhowr waaxood oo dowladdu leedahay.

Hal xaas oo kali ah ayuu qabaa oo u dhashay laba wiil iyo laba gabdhood.