Shan waxyaabood oo aan ka baranay qaraxii Zoobe

Inkastoo qaraxii dhacay 14-kii Octoobar uu ahaa musiibo qaran, hadana waxaa barbar socday casharo badan oo laga bartay, bal aan shan qodob kusoo koobo, iyadoo laga yaabo inay intaasi ka badanyihiin

1 – Somaalida oo midowday

Qaraxii Zoobe wuxuu ahaa musiibo qaran oo ku dhacday umada soomaaliyeed, iyadoo dad kor u dhaafay 600 oo qof  ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen, wuxuuna ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Soomaaliya,hase ahaatee dhanka kale wuxuu mideeyay umada soomaliyeed oo lagu xanto inay qabyaaladi kala geysay, waxaan la arkayay dal iyo dibad soomalida meel kasta ay joogaan inay si isku mid ah ugu damqadeen iyagoo sameeyay dibad baxyo waaweyn oo ay ku muujinayeen sida ay ugu xunyihiin dhibaatada soo gaartay walaalahooda. waxayna muujiyeen in soomalida midowdo oo cadowga hal meel loogu soo wada jeesto.

2 – Gurmadka dhaqaale.

Gurmashada dadkii ku waxyeeloobay qaraxiik Zoobi ayaa aheyd mid dal iyo dibad si weyn loogu istaagay, iyadoona dhaqaalo aad u fara badan lagu soo ururiyay, tusaale shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa la xaqiijiyay in labo maalin gudahood kusoo ururriyeen lacag gaareysa 300,000$ (Sedex boqol kun oo doolar) iyadoo laba jeer ay ka badan tahay lacagtii uu mareykanka oo ah dal weyn ku deeqay dadkii dhibaatada gaartay, taasoo aheyd $ 100,000 (Boqol kun oo doolar). Waxaana halkaas laga dheehan karaa hadii ay soomaalida midowdo inaysan shisheeye waxba ooga baahyneyn, oo ay iyagu isu gurman karaan.

3 – Doorkii dhalinyarada

Kadib musiibadii Zoobe waxaa la arkayay dhalinyaro iskood isu abaabulay, si ay gurmad ay ugu fidiyaan walaalahooda ku waxyeeloobay qaraxi Zoobe. Waxaana ay dhalinyaradan ka shaqeyneynayeen habeen iyo maalin caawinta dadka dhibta soo gaartay, iyagoon dadka eheladooda ku weysanaa qaraxa ka caawinayay sidii ay ugu xaqiijin lahaayeen nolol iyo geeri waxa uuay suganyahiin, sido kale waxay qeyb libaax leh ka qaateen dib usoo celinta bilicda wadad Zoobe iyo kaalmeynta dhaawacyada isbitaalada ku jira. Waxaana si aad ah u amaanay dadaalka dhilinyarada madaxweyne Farmaajo iyo raiisulwasaaraha Kheyre. Waxaana halkaasi laga dareemayay in dhalinyarada soomaaliyeed yihiin kuwa karti badan oo wax qabsan kara, hadii ay helaan hogaan sax ah.

4 – Turkiga waa saaxiibka dhabta ah ee Soomaaliya

Inkastoo ay jireen dowlado dhowr oo usoo gurmaday Soomaliya musiibadii Zoobe, kadib baaq ay dowlada ay u dirtay wadamada saaxiibada la ah, hadana Turkiga wuxuu ahaa dowladii ugu horeysay ee si dhab ah ugu soo jawaabtay diyaarad gurmadna usoo dirtay, iyadoona dhaawacyada kuwaoodi ugu cuslaa loo daad gureeyay wadanka Turkiga, waxaana xusid mudan in wasiirkooda caafimaadka uu la socday diyaaradii gargaarka, isagoona isbitaalada ku booqday qaar ka mid ah dadkii dhaawac ahaa. Waxaa intaas sii dheer oo Turkiga soomaalida ku xasuusataa sida ay ugu soo gurmadeen walaalahooda kadib abaartii ku dhufatay 2011 guud ahaan dalka soomaaliya xilli uu caalamka isha ka daawanayay.

5 – Horumar mooyee dib u laabanmeyno

Kadib qaraxii Zoobe ee galaafaty nolosha in ka badan 300 oo qof dhaawacuna gaarayay in kabadan 500 iyo qasaaro burbur oo uu geystay qaraxa, hadana durba waxaa la rakayay inay dib u dayactirid ay ka bilaabay wadada Zoobe iyo goobihii kale ee qaraxa waxyeelada u geystay, iyadoona gudoomiyaha gobalka benaadir  Thaabit Cabdi uu sheegay in wadada Zoobe maalinta sabtida dib loo furi doono. Waxaana muuqaneysa sida ay dadka soomaaliyeed uga go’antahay horumarka wadanka ka curtay inay sii wadaan oo aysan marnaba niyad jabin doonin qaraxyada, inkastoo qaraxii Zoobe uu ahaa musiibo qaran hadana shacabka soomaliyeed waa kuwa adkeysi badan.

W/Q:  Safaana Haji Ahmed

Email: Safaanahaji@gmail.com