Shan xildhibaan Xamar uma dhiman doonto (Odawaa, Mahad Salaad iyo 3 suubis ah)

Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka baxay kulan ay maanta isugu yimadeen xildhibaanadda iyo wasiirada beesha Hawiye ku matala Dowladda Federaalka ah kadib markii uu kulanka yimid duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed.

Kulanka oo ay ku dhowaad 70 Xildhibaan iyo wasiiro joogeen ragga ka baxay markii ay Taabit arkeen waa Mahad Salaad, C/raxmaan Xuseen Odawaa, C/risaaq Cumar Maxamed, Maxamed C/laahi Xasan Nuux  iyo Maxamed Cabdiraxmaan Beenabeene.

Waxaa kaloo la ii sheegay labo Xildhibaan oo laabtay markii ay Taabit maqleen oo uu ku jiro C/laahi Maxamed Nuur.

“Waxaa uu ahaa dhaqan siyaasadeed liita iyo ficiltan aan fiicneyn wixii aan maanta ku arkay hotel SYL ayuu igu yiri Xildhibaan kulanka ka qeyb galay oo aan teleefoonka kula hadlay.

Arinta ugu yaabka badan ayaa aheyd ajandaha shirka xildhibaanadda iyo wasiiradda Hawiye inuu ahaa amniga iyo xaaladda caasimadda ee xiligaan, bal is weydii hadii Taabit shirka loo diido yey tahay cidda kale ee mudan in wax laga weydiiyo xaaladda Muqdisho.

Inkastoo aaney dadka caasimada ku nool dooran qofka maamulaya hadana shaki la’aan Thaabit wuxuu helay rabitaan Bulsho oo xoogan bilihii lasoo dhaafay.

Muqdisho uma dhiman doonto 5 xildhibaan oo xaajaddu ku xuntahay xiligaan, waxaase ayaan daro ah in ragga dhaqankaas maanta sameeyay iney intooda badan Wasiiro kasoo noqdeen dalka.

Siyaasada waa la isku qilaafi karaa laakiin fowdo, dhaqan caruureed iyo amnigu hasii xumaado looguma sacab tumi karo xidigihii hore karo ee Damul-Jadiid.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax