Shaqaalaha DF iyo ciidamada oo aan muddo laba bilood ah wax mushaar ah qaadan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Rayidka ah ee dowladad Federaalka Soomaaliya ayaan weli qaadan mushaarkooda muddo laba bilood ah iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee arrintaas ka dambeyso.

Shaqaale kala duwan oo ka shaqeeyo Wasaaradaha Dowladda oo la hadlay Caasimadda Online ayaa sheegay in weli Xukuumadda laga sugayaa inay bixiso mushaarka shaqaalaha ilaa 2 bil ( August iyo September ).

Waxay sheegeyn inaysan sidaan ka fileyn dowladda Soomaaliya oo horey u sheegtay in mushaarka Shaqaalaha iyo ciidamada Dowladda aysan aheyn hadiyad waqtigii la rabo la bixiyo.

Khudbadii uu Farmaajo jeediyey waqtigii uu is sharaxayey ayaa aheyd sida hoos ku qoran:

“Xuquuqda ciidanka iyo shaqaalaha ma ahan hadiyad markii la doono la siiyo ee waa xuquuq ay waajib u leeyihiin”

Dowladda Farmaajo ayaa bilihii ugu horeysay si xoreysay kadib markii ay mushaarka shaqaalaha ka dhigtay mid si saxan loo bixiyo, balse wax badan ayaa is badal, maadaama la sheegayo inaan laba bil mushaar la qaadaan, taasoo ah dabeecad ay shaqaalaha dowladda ku naceyn xukuumadihii hore.

Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waqtigeeda dhamaaday iyadoo lagu leeyahay 7 Bil oo Mushaar ah, waxayna dowladda cusub hadda ku socotaa wadadaas, haddii aysan sheekada wax iska badalin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com