SHARIIF Xasan oo dhinac ka qoslaya kuna farxay go’aankii shalay (Muxuu ka dalbay caalamka?) !!

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka KooNfur Galbeed ayaa ka hadlay go’aankii maalintii shalay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ka qaateen mooshinkii ka yaalay dhismaha baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka koofur galbeed ayaa lagu sheegay iney soo dhaweynayaan go’aanka ay xildhibaanada baarlamaanka ka qaateen mooshinkii ka yaalay maamulka Jubba.

Qoraalka Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa sidoo kale waxaa baaq loogu jeediyay beesha caalamka oo ku aadan iney aqbalaan go’aanka xildhibaanada ay ka gaareen mooshinka ku saabsanaa qaab dhismeedka baarlamaanka maamulka Jubba.

Shariif Xasan, ayaa kamid ah dadka sida aadka ah kaga soo horjeeday dhismaha baarlamaanka maamulkaasi oo uu aamisanaa in lagu qadiyay beesha uu kasoo jeedo.

Xildhibaanada kale ee mooshinka waday ayaa ku qancay natiijadii shalay, waxaana la ogeyn sida ay isku qaban karaan go’aanka maamulka Jubba ka qaatay mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com