Shariif Xasan oo loo keenay mashruuc ku aadan inuu taageero Sacuudiga iyo go’aanka uu qaatay

Baydhabo (Caasimadda Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed uu ka badbaaday dabinka uu ku dhacay Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas.

Sida wararka ay sheegayaan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa iska diiday Dalab lacag iyo mashaariic ahaa oo Xulufada Sacuudiga ay u soo bandhigeen si uu u qaato go’aan ka duwan midkii dhex dhexaadnimada ahaa ee dowlada Soomaaliya qaadatay.

Saraakiil lagu kalsoonaan oo ku sugan Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Shariif uu kaliya hore u ogolaaday in shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ay hormariso dekada Baraawe balse wuxuu diiday inuu xiriirka u jaro dowlada Qatar.

Xulufada Sacuudiga ayaa wali lacag u adeegsanaya Soomaaliya si loo kala qeybiyo aragtida ay ka heystaan Xiisada Khaliijka.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa ogolaaday mawqifka Sacuudiga wuxuuna si cad kaga soo horjeestay Go’aanka Madaxweyne Farmaajo.

Arintaan uu Gaas ku dhaqmay ayaa abuuri karta xiisad cusub oo ka dhex dhalata Dowlada Federaalka iyo Maamulka Puntland.