Shariif Xasan oo Muqdisho kala soo degay gaadiid aanu xabadu karin

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magaalada Muqdisho kala soo dagay Gaadiid nooca raaxada ah oo aanu xabadukarin.

Gaadiidkaani oo Seddex ah, ayaa la sheegay in Shariif Xasan uu isticmaali doono mudada lagu gudda jiro doorashada Madaxweynaha.

Shariif Xasan ayaa Gaadiidkaasi kala soo degay Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyay in Seddexda gaari ay la socdeen laba Cabdi bille oo nooca dagaalka ah.

Shariif Xasan ayaa doorashada ka hor qorsheynaaya in waxbadan uu ka bedelo amnigiisa, maadaama uu baqdin ka qabo in la hujuumo xiligaasi adag.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda diyaar garowga doorashada madaxweynaha cusub ee uu yeelan doono dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com