Shariif Xasan oo diyaarinaya qorshe labaad oo uu ku aargudanayo

Muqdisho (Caasimada online) – Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa shalay ka sheegay magaalada Baydhabo inay jiraan rag badan oo balanka kaga baxay.

Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa diyaarinaya qorshe kale oo uu kaga aargudanayo dadkii ka dambeeyay in Prof Jawaari uu kusoo baxaa guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu ka sheegay magaalada Baydhabo in dowlad nimada aysan aheyn in beelaha loo kala saartaa kuraasta dowladda, balse ay tahay in ruux kastaa oo Soomaali ah qabtaa xilalka kala duwan ee dowladnimada.

Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu diyaarinayo qorshe uu xilka ku seejinayo Xasan Sheikh Maxamuud iyo musharixiin kale oo balanka uga baxay.

Waxaa sidoo kale uu doonayaa inuu ciyaar kale la ciyaaraa Xasan Sheikh Maxamuud iyo musharixiinta qaar ee beelaha Hawiye, kuwaasi oo uu aamisan yahay inay rajo beel ku rideen.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya inuu jiro shaqsiyaad uu la doonayo xilalka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Xiriiro kala duwan oo dhanka taleefoonka ah ayuu sameeyay saacadihii ugu dambeeyay Shariif Xasan, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka agdhow.

Ma jirto cid uu hadda cadeeyay inuu balanta kaga baxay, laakiin waxaa laga dareemi doonaa saacadaha soo socda olalaha iyo diyaar garowga u sameynayo.

Wuxuu sheegay in sanadkaan dalka u baahan yahay isbadal muuqda oo dhanka hogaanka dalka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com