Shariifka oo dejiyey qorshihii uu madaxweyne ku noqon lahaa (Hawiye iyo Daarood oo madaxa isla geli doona)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dejiyey siyaasaddii uu ku noqon lahaa madaxweynaha Soomaaliya, ayada oo dad badan aysan fahamsaneyn, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qorshaha Shariif Xasan ayaa ka kooban laba weji, oo kala ah, in marka koowaad uu guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ka dhigo Cabdirashiid Xidig oo ah sarkaal darajo sare ka hayo sirdoonka Ethiopia una dhashay beesha Ogaadeen/Daarood, iyo in kadib uu madaxa isku geliyo beelaha Hawiye iyo Daarood. Xiddig oo horey u ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ayaa ahaa ninkii keenay qorshihii ahaain Itoobiyaanka Soomaaliya jooga wax ka badan afar sano ay noqon karaan muwaadiniin.

Shariifka oo dowladda Ethiopia ay horey uga codsatay inuu tanaasulo, ayaa waxaa hadda soo baxaya inuu dowladda Ethiopia ka gaday suurto galnimada ah in saddexda mas’uul ee ugu sareysa dalka ay noqdaan saddex shaqsi oo ayada ka amar qaataya, kuwaasi oo kala ah Xiddig (Guddoomiyaha baarlamanka), Shariifka (Madaxweyne) iyo ra’iisul wasaare ay Ethiopia soo dirsn doonto, arrintaas oo la sheegay in Ethiopia ay dhageysatay.

Shariifka ayaa marka hore qorshihiisa ka gaday madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed, oo ay Nairobi isku dhaarsadeen, isaga oo u ballan qaaday inuu ra’iisul wasaare ka dhigo, balse la rumeysan yahay inuu uga bixi doono ballanta marka uu dantiisa gaaro.

Guuleed oo ay u muuqato in fursadda ay Habar-Gidir madaxweyne ku noqon karto ay yar tahay oo aysan la tartami karin musharaxiinta Abgaal ayaa heshiiskan galay si uu u helo ra’iisul wasaare, wuxuuna Shariifka u ballan qaaday xildhibaanada beeshiisa iyo kuwa lagu soo doortay Cadaado badankood.

Shariif Xasan ayaa doonaya in xildhibaano badan oo Hawiye ah uu ka gado inay Xiddig codkooda siiyaan, isaga oo ka faa’iideysanaya xiisadda aan dhammaan ee ka dhex oogan Hawiye iyo Daarood, islamarkaana Hawiyaha ay ku raaci doonaan in Xiddig laga dhigo guddoomiye baarlaman, si Daarood loo gefiyo jagada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Haddii arrintan ay dhacdo ayaa Shariifka wuxuu rumeysan yahay in xildhibaanada Daarood ay carada ay ka qaadaan ku xumeynta Hawiye ay ku aargudan doonaan inaysan musharax Hawiye ugu codeyn madaxweyne, taa beddelkeedna codkooda ay siiyaan Shariif Xasan, sidaasna madaxweyne uu ku noqdo, maadaama codadka beeshiisa ay huban yihiin.

“Waa qorshe aan aad ula yaabay, haddii Hawiye ay Xiddig ugu codeeyaan afhayeenka baarlamanka, waxay taas ka dhigan tahay in Daarood iyagana ay codkooda siin dooaan Shariifka, waa siyaasad cajiib ah” Waxaa sidaas yiri Aadan Cabdi Faarax, oo ka mid ah aqoonyahanada Muqdisho oo Caasimada Online la hadlay.

“Dad badan ayaa dhayalsanaya Shariifka, laakiin ninkan wuxuu ka cayaarayaa meel aad u fog, weligey ma arag siyaasi ku fakar iyo xeelad ah” ayuu hadalkiisa ku daray.

Qorshaha Shariif Xasan ayaa hadda u muuqda mid aysan dad badan ku baraarugsaneyn, waxaana la rumeysan yahay in Shariifka ay madaxweyne ka xigto oo kaliya Xiddig oo noqdo guddoomiye baarlaman.