Sheekadii Badda ee Jeneraal JAAMAC MAXAMED QAALIB

Arinta muranka dhinaca Badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya waxaan ka hayaa labo sheeko oo xiiso leh.

Sheekada Koowaad.

Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ahaa saraakiishii ugu saraysey ee soo mara ciidamada Soomaaliya gaar ahaan Booliiska iyo Nabad sugida, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu  iiga sheekeeyey halka ay salka ku hayso Sheekada muranka dhalisay ee Soohdinta dhimaca Badda ee ay hada isku hayaan Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna hadalkiisii ku bilaabay. “Dowlada Norwey ayaa waxay la kulantay 1986-dii Alaha u naxariistee Cabdulaahi Ciise Maxamuud oo safiir ka ahaa wadamada Scandinavian-ka, waxayna ka Gadeen in ay Soomaliya u soo saaraan Shidaalka Badda gunteeda ku jira oo ay Soomaliya leedahay (waa halka ay hadda isku hayaan Soomaaliya iyo Kenya)”.

Gen. Qaalib oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri. “Cabdulaahi Ciise hadalkii Norwey waa uu la dhacay waxa uuna arintii ula tegey  Madaxwaynihii Soomaliya Alaha u nxariistee Maxamed Siyaad Barre, aad ayuu u soo dhoweeyey maadama dano badan Soomaliya ugu jirto Heshiiskas Shidalka dhinaca Badda Soomaaliya loogu soo saarayo. Generalka waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. “Markay halkaas mareyso ayaa waxaa Sheekadii ka war helay Dowlada Maraykanka waxayna laaluush lacag iyo balanqaad isugu jira ku bixiyeen sidii  ay arintas u cuuryaamin lahaayeen, waana ay ku guulaysteen.  Waxaan arintaa dhex martay Maraykank iyo Soomaaliya aad uga carooday Ambassador Cabdulaahi Ciise Maxamuud waxayna taasi sababtay in Cabdulaahi Ciise shaqada sidaa uga tago”.

Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib  oo ka hadlaya waaya aragnimadiisa ayaa ii sii sheekeeyey oo yiri. “Wixii intaas ka dambeeyey waxay Dowlada Norwey raadinaysey Dowlad ka dhalata Soomaaliya oo ay heshiiska soo saaridda Shidalka Badda u soo saarto maadama ay kii hore ku hungowdey, waqtigii ayaana  dheeraaday Dowladda Norwey maadaama ay Soomaaliya Dowlad la’aan ahayd sanado badan, Aakhirkiina waxay dowladda Norwey Kenya ku tirtirsiisey iney sheegato Ceelasha Shidaalka ee Soomaaliya kuwaas oo ah kuwa hadda la isku haysto, marka ay Kenya guulaysatana ay Norwey Shidaalka soo saarto”. Jananku oo hadalkiisa soo gebagebeynaya ayaa yiri. “Kenya waxay u istaagtay arinta lagu baraarujiyey waana tan keentay iney Heshiis la gasho Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid horaantii 2009-kii taasoo keentay Buuqa maanta taagan”.

Sheekada labaad.

Amiin Yuusuf Khasaaro waxa uu ka mid yahay Saxafiyiinta waaya jooga u ahaa wixii Soomaaliya ka dhacay waxa uu  bulshada ku leeyahay  magac iyo maamuus, waxa uu iiga sheekeeyey heshiiska dhinaca Badda ee Soomaliya iyo Kenya hada ku muransan yihiin iyo waxa uu kala socdo, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay.

“Maalin Khamiis  ah ayaa waxaa Telfoon ii soo diray Milkiilaha Website-ka Somalitalk oo aan wakiil uga ahaa Muqdisho, waxaa uu ii sheegey in uu ii soo diray Dukument ka kooban 220  Bog oo ka hadlaya cawaaqibka ka dhalan kara haddii ay Soomaaliya saxiixdo heshiis ay kenya ku dooneyso iney ku sheegato dhul Badeed ay Soomaliya leedahay halkaas oo ay ku yaalan Ceelal Shidaal oo mustaqbalka Soomaalida wax wayn tari doona, waxa uu iga codsaday in Dukumentigaas intaan Daabaco aan u gudbiyo shaqsi Masuul ah oo ku ku jira Xukuumadda shaqaysa ama Baarlmanka Soomaliya si uu ugu sii gudbiyo inta kale hadii ay ahaan lahaayeen Xukuumad ama Baarlamaan, waana aan  ka aqbalay, sidaas ayaanna isku macasalamayney”.

Amiin ayaa intaas iigu  daray . “Waagii ayaa beryey waxaan daabacay Dukumentigii, waxaan Telfoon kula hadlay Xoghaynta Wasiirkii arimaha gudaha ee xiligaas Cabdulqaadir Cali Cumar waxa uu ii balan qaaday in uu ila kulansiin doono Wasiirka si aan Dukumentiga ugu gudbiyo oo aan Risaalada u guto, nasiibdaro anigoo ku sii socda halkii aan balanta ku lahayn ayaa waxaan maqlay qarax hortayda ka dhacay, dib ayaan u laabtay si aanan naftayda qatar u gelin, wax yar ka dibna waxaan maqlay in qaraxa lala eegtay Wasiirkii aan balanta la lahaa uuna halkaas ku geeriyoodey ninkii na xiriirinayey oo xoghaynta u ahaa Wasiirka.”.

Amiin Khasaaro oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri. “Talo waa iga calowdey waqtina waa igu socdaa waxaan iswaydiiyey halka aan wax  ka bilaabi karo, maaadama tii hore iga Banjartay, waxaan fekero oo aan  fekero waxa igu soo dhacay in aan si fiican isu naqaano Alaha u naxriistee Suleyman Colaad Rooble oo ahaa Wasiirkii Isboortiga, Telfoon ayaan u diray goor maqrib ah waxaan u sheegay  in aan Dowlada u hayo Dukumenti muhiim ah, waxaan ku balanay Hoteel Saxafi abaara 8:00-da Subaxnimo, hal-haleel ayaan u gaaray goobtii balanta anigoo ka welwelsan qatarta ka iman karta Dukumentiga aan sido hadii ay Soomliya saxiixdo.

Subaxnimo Sabti ah oo ay Bisha April 4 tahay sanadka  2009-ka  ayaan guuleystey sababtoo ah waxaan Qoraalkii u Gudbiyey Mudane Suleymaan Colaad Rooble, oo Wasiirnimada ka sokow ka tirsanaa xubnaha Baarlmanka Soomaliya. aad ayuu ii soo dhoweeyey waana uu fiirfiiriyey Qoraalkii, waxa uuna yiri “Amiinoow waa qoraal muhiim ah waxa igu ballan ah inaan gaarsiiyo isla saaka  oo sabti Xubnaha Baarlamaanka, waadna mahadsan tahay ee nabadeey”. Saxiixa heshiiska waxaa markaas ka dhiman mudo sedex malmood ah oo waxaa la xasiixay 07-04-2009-kii. Weriye Amiin Khasaaro oo sheekada ii sii wada ayaa yiri. “Mudane Colaad Rooble waxa uu I soo wacay habeeenkii waxa uuna ii sheegay in uu qoraalkii geeyey fadhigii Baarlamanka, taasina waxay ka farxisay aniga iyo madaxda Website-ka Somalitalk”.

Si kastaba  waxaa ayaan daro ah in qoraalkaas muhiimka u ah dhamaan soomaalida oo ay Qoreen Khuburo Dhinaca Badaha ku Takhasusey oo loo soo mar siiyey madaxda Website-ka Somalitalk ay dhegaha ka furaysato Xukuumadii waagaas jirtey oo ay ku dhiirato in ay  saxiixdo  waxa loogu yeeyo Memerendum of Undestanding (MOU) kaasoo ah heshiiska maanta muranka geliyey Biyaha Badda ee Soomaaliya.