Sheekh caan ah oo isu sharxay xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland

Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxayay Warar sheegayay in lagu wado in la dhiso maamul Goboleed loo dhan yahay oo uu yeesheean gobolada Jubbooyinka.

Sh. Maxamed Ibrahim Shakuulooka mid ah Culimada Soomalida kuwa ugu waawayn magaalada Nairobi ayaa la sheegay in uu ka mid yahay musharixiinta lagu wado in ay ku Guulaystaan arintaas.

Shakuul ayaa ah Ganacsade caan ah waxa uuna ahaa hada ka hor afhayeenka Ganacsatada Soomaalida Islii, waxaana dhawaan loo magacaabay Chairmanka Gudiga Soomaalida ee dib u Doorashada Xildhiaab Yusuf Xasan oo ah Xildhibaan laga soo doorto Degmada kaamakuji ee Xaafada islii.

sheekh-Shakuul-300x181Ilo Wareedyo ka ag dhaw Shakuul ayaa sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay in uu Noqdo Madaxweynaaha Jubbooyinka.

“ waxa uu ka midyahay Shakuul Musharixiinta,waana musharax waxaana lagu wadaa in uu ku Guulaysto, Raja Fiican ayuu leeyahay”ayuu yiri mid ka mid ah Gacan yarayaashiisa oo la hadalayay Bogan.

Sidoo kale shakuul ayaa waxa uu ka mid yahay aqoonyahanada ka soo jeeda deegaankaas ee ugu fir fircoon, waxana ku soo bartay dalka dibadiisa waxa uuna ka yimid Wadamada Reergalbeedka Gaarahaan North America waxa uuna haystaa shahaadada Master Degree, waxa uuna ku hadlaa luqado dhowr ah.

Dad badan ayaa is waydiinaya maxay kusookor dhinkartaa arrinka Jubbooyinkahaddii oo xaaladeeda cakiran tahay hadii siyaasigan aqoonyahankan wadaadka ah uu Noqdo Madaxweynaha Jubbaland.

Dhinaca kale Warar la isladhexmarayo ayaa sheegayo in haddii uu Shakuul is sharaxo uu kuguulasankaro Jagadaas Maadaama uu sumcad weyn ku dhexleeyahay ummada Soomaaliyeed,

Sheikh shakuul ayaa ah ganacsade caan ah oo jooga magaalada Nairobi, waxaana si gaar ah loogu Xusuustaa horumarka Dacwada iyo arrimaha bulshada ee Muslimiinta gaarahaan North America halkaas oo uu ka ahaa Imaam Masjid.

Waxaana si gara ah loogu Xusuustaa ama loogu tilmaamaa in uu Xiriir wanaagsan uu la leeyahay Wadamada Dersikaee Kenya iyo Ethiopia iyo caalamka, intiisa kale.

Dadkaqaarkood ayaa Tilmaamay in wax badan uu ka qaban karo xaalada siyaasadeed ee Jubooyinka, waxna ku soo kordhin karo dadka gaaraya Kumanaanka kun ee dibada uga maqan Gobolada Jubbooyinka kuwaas oo Qaxooti ku ah Dalalka Kenya iyo Itobiya.

Ugudambeytii waxaa ma jiraan hadal si rasmi ah uga soo baxay shakuul oo sheegaya in uu yahay musharax u taagan Madaxweynanimada Jubbooyinka, Balse waxaan isku dayi doonaa in aan Waraysi arintaas kala yeelano.

Sheikh shakuul ayaa waxa uu yahay shaqsi inta badan ka hadla xaalada Soomaalida dagan islii, waxa uuna Xili walba dadka u sheegaa in Nabada la qaato oo dhiig uusan daadan.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin441@hotmail.com