Shil aan noociisa horay loo arag oo ka dhacay Dekadda magaalada Berbera

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Dekadda magaalada Berbera ayaa sheegaya in halkaa uu xalay ka dhacay shilka laba markab oo ku xiraneysay Dekadda.

Shilka ayaa waxaa ka dhashay waxyeelo waxaana lasoo sheegayaa in waxyeelada ugu badan uu soo gaaray mid kamid ah labada Markab.

Mas’uul ka tirsan maamulka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in mid kamid ah Maraakiibta shilka gashay uu daloolsamay.

Markabka daloolsamay ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa nooca qaada xoolaha nool nool, halka nooca kale uu ahaa kuwa qaada kunteenarada.

Shilka oo lagu tilmaamay mid noociisa aan horay uga dhicin dekadda ayaa waxaa la xaqiijiyay in maamulka Somaliland iyo Shirkada laga leeyahay dalka Imaaraadka ay iska kaashanayaan xal u helideeda.

Dekada magaalada Berbera oo dhawaan ay la wareegtay Shirkad shisheeye ayaan heysan qalab rasmi ah oo lagu badbaadiyo maraakiibta ay ciladu soo foodsaarto.

Dhinaca kale, maraakiibta ugu badan ee kusoo xirta ama ka rarta dekadda ayaa laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com