Shilkii ugu khasaaraha badnaa oo goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Shil khasaaro badan geystay uu saaka aroortii ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Shilka oo noociisu ahaa Gaari rogmaday ayaa waxa uu ka dhacay wadada Nasiib Buundo ee degmada Shibis.

Gaariga rogmaday ayaa waxaa lasoo warinayaa inay la socdeen Shaqaale Shirkadeed, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan.

Dadka dhintay ayaa ahaa dad shacab ah, waxaana iminka lasoo sheegayaa in halkaa ay gaaren gaadiidka gurmadka maamulka Gobolka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhaaya shilalka gaadiidka, waxaana sabab looga dhigaa gaadiidka oo xooli ku isticmaala wadooyinka.

Wararka hordhaca ah ee laga helay shirkaas ayaa sheegayo inay ku dhinteen ilaa 2 qof halka 20 kalana ay ku dhaawacmeyn oo qaarkood la sheegay inay jabeen halka qaar kale uu soo gaaray dhaawac halis.

Dhamaan dhaawacyadii ayaa loo kala qaaday Isbitaalada Muqdisho halkaas oo lagu dabiibayo, wixii warar ah ee kusoo kordhana waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com