Shir uu albaabada u xiran yahay oo Kismaayo uga socda Xasan iyo Madoobe (Maxaa looga hadlayaa?)

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ka bilowday shir gaara oo u dhexeeya Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanka oo ah mid ay banaanjoog ka yihiin Weriyayaasha ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimaha Doorashooyinka.

Kulanka ayaa ka socda Madaxtooyada Maamulka, waxaana lasoo warinayaa in Madaxweyne Xasan uu Axmed Madoobe la furaayo heshiis la sheegay inuu la xiriiro Doorashadiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale lagu wadaa in kulanka socda kadib uu kulan kale la qaato qaar kamid ah Xildhibaanada dhawaan lagu doortay Kismaayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wakhti iyo dhaqaale ku bixinaaya sida uu mar kale ugu soo laaban lahaa kursiga.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Musharaxiin dhowr ah oo loolan adag kula jira Xasan Sheekh.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com