Shirkad London ka dhisan oo loo gacan geliyey maamulka xeebaha Soomaaliya

London (Caasimada Online) – SRT Marine oo ah shirkad ka diiwaan gashan magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa lagu wareejiyay maamulida iyo ilaalinta Xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen wargeysyada ka soo baxa London.

Qaramada Midoobay oo Hay’adan ku wareejisay ilaalinta Badda ayaa waxa ay tartan u qabatay shirkado dhowr ah, taasi oo ugu dambeyn keentay in ay guuleysato SRT Marine.

Howlaha ay qaban doonto shirkadan ayaa ah in ay ka hortagto Kalluumeysiga sharci darada ah, la dagaalanka Burcad Badeedda, iyo in ay amnigooda sugto Maraakiibta Qaramada Midoobay.

Waxaa la sheegay shirkadda SRT Marine in ay Systems cusub keeni doonto Soomaaliya gaar ahaan xeebaha, kuwaasi oo ah qalabkii ugu dambeeyay ee loo adeegsado difaaca iyo ilaalinta Badaha.

Agaasimaha fulinta ee Sharikadda SRT Simon Tucker ayaa sheegay wax lagu farxo in ay tahay in shirkadooda ay guuleysato, wuxuuna tilmaamay waajibaadkooda shaqo in ay si hufan u gudan doonaan.

Wuxuu kaloo sheegay Agaasimaha Howlgalkooda in ay bilaabi doonaan ka hor inta uusan dhammaan sanadkan, islamarkaana miisaaniyadda Sharikadda ee Sanadkan laga jari doono lacagaha ku baxaya agabka lagu qalabeynayo Doomaha iyo Maraakiibta ka shaqeynaya Biyaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska London 
caasimada@live.com