Shirkadda Koronta ee BECO oo 70 Kun oo Doolar ugu Deeqdey Dadkii Dhibaatada ka soo gaartey Qaraxii Zoobe

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo weli uu socdo  Gurmadka loo sameynayo Dadkii ku waxyeeloobey Qaraxii Zoobe ayaa Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO waxay Dadkaas ugu deeqdey lacag gaareysa 70 kun oo doolar oo Shirkada  ugu talagashey in lagula Tacaalo dadkii ku dhibaatoobey Qaraxaasi

“Marka hore waxaan ka tacsiyadeyneynaa Dadkii ku waxyeeloobey Qaraxaas inta Dhimatey Allaha u Naxariistio inta Dhaawaca ah Ilaah ha Caafiyo Deeqdaan waxaan ugu talagalney hadii aan nahay Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO  qaar la gaarsiiyo Guddiga Gurmada Qaran sidoo kale waxaa ugu tala galney  Deeqdaan in la gaarsiiyo dhamaan Isbitaalada kala duwan ee Jiifta Dhaawacyada iyo Aqoonta  Aabayaashooda ku dhinteen Qaraxaasi” sidaa waxaa yiri Maamulaha Shirkada Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO Maxamed Saadaq Shiikh Maxamed  oo Shir Jaraaid ku qabtey Xarunta Shirkada ee Magaalada Muqdisho oo intaa sii raaciyey

“Waxaan u Mahadcelinaynaa Dowlada Turkiga sida Dhaqsiyaha badan oo ay uga jawaabtey in ay si deg deg ah ku Caawinto  Dadkii ku waxyeeloobey Qaraxaasi, waana marka la kala ogaado Walaalkaada Dhabta ioyo kan kale marka aad baan u soo dhaweyneynaa Garab istaaga Dowlada Turkiga shacabka Soomaaliyeed

Maamulaha Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO Mudane Maxamed Saadaq oo ay Garab fadhiyeen Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Shirakada  waxaa uu sheegey in Shirkada ay waligeedba ka qayb qaadan jirtey u Gurmadshada dadka  Soomaaliyeed ee  Dhibaatooyinka la soo Gudboonaadaan sidaa Darteed waxaan mar waliba Diyaar u nahay in aan ka Jawaabno Baahiyaha Bullshada Soomaaliyeed

Mudane Maxamed Saadaq waxaa uu u soo jeediyey Ganacsatada Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Shacabkooda gaar ahaan dadkii dhibaatada ka soo gaartey qaraxaasi  sida Caruurta agoonta ah iyo kuwa kale ee Halkaas ku waayey ganacsigooda maadaama Meelaha qaar laga biilayey Boqolaal Qoys

Ugu dambeyntii Waxaa uu sheegey in Shirkada sidii uu dhacay Qaraxii Zoobe ay Wadeen Taakuleynta dadka ku waxyeeloobe Qaraxii Soobe  Waxaa uu sheegey Mudan Maxamed Saadaq Shiikh Maxamed  in ay Shirkadda Koronta Banaadir ee BECO Markiiiba ka howlgashey goobtii Qaraxa uu ka dhacay si dib loogu soo celiyo Iftiinkii halkaas ka jirey sidoo kale waxaa uu ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed in ay nagu gacansiiyaan adeega aan u hayno Bulshada Soomaaliyeed.