Shirkii Farmaajo iyo madaxd Imaaraadka oo furmay iyo warar hordhac ah oo laga helay

Abu Dhabi (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegayo inuu daqiiqado ka hor furmay Shirkii uu dhaxeeyey Madaxda ugu sareyso dalkaas iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkaas oo ah mid xasaasi ah oo ku saabsan sidii loo soo dhameyn lahaa mugdiga yar ee soo kala dhex galay dowladda Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa arrintaas ka wada hadlayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dhaxal Sugaha dalka Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zayed.

Waxaa looga wada hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba dal.

Wararka hordhac ah ee aan hadda ka heleyno shirka ayaa sheegayo inay dowladda Imaaraadka Carabta muujineyso dabacsanaan siyaasadeed isla markaasna ay diyaar u tahay inay dowladda Soomaaliya ku tixgeliso go’aankii ay ka qaadatay Khilaafka Dowladaha Khaliijka sida ay sameeyeen dowladaha Sacuudiga iyo Masar oo Soomaaliya la leh xiriir wanaagsan.

Kulanka ayaa ku bilowday qaab wanaagsan, waxaana la filayaa inay labada dhinac wada gaaraan heshiis, waxaana dhawaan idiin soo gudbineynaa natiijada kasoo baxdo kulankaas oo qodobeysan Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com