Shirqool halaag badan geysan lahaa oo lagu fashiliyay Dekedda Kismaayo.

Wararka naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in shirqool halaag badan geysan lahaa lagu fashiliyay dekedda magaaladaasi.

Gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa galab dhicii lagu qabtay albaabka hore ee dekedda, xilli la doonayay in gudaha loo geliyo dekedda.

Gaariga ayaa waxaa ku rarnaa dhuxul la doonayay in la dhoofiyo, hase yeeshee dhinacyada ayaa waxaa looga soo qariyay miinooyin tira badan, si dekedda loogu dhex qarxiyo.

Saraakiisha ciidamada Soomaalida ee jooga dekedda ayaa sheegaya in dad aysan magacaabin ay kusoo wargeliyaan arrintan, sidaas darteedna ay albaabka ku sugayeen gaariga, maadaama aysan garaneyn midka uu ahaa, xilli gawaari badan dekedda ay galeysay.

Raggii la socda gaariga ayaa waxaa loo taxaabay xabsiga, waxaana miinooyinkii laga dejiyay gaariga, ayada oo uusan wax dhib ah dhicin.