Sida aan dib ugu dhisi karno dalkeena!

Shaki kuma jiro in aysan sahlaneyn dib u dhiska dal 20 sano ku jiray bur bur dagaalo sokeeye iyo mid shisheeyaba, hase ahaatee waxaa marag madoonto ah in aysan jirin cid kale oo laga sugayo dib u dhiskiisa,

lama huraan waa cowski jiilaal, dhul ninkiisaa iska leh, ee maxaa noo diiday dal aan horey gacmaheena ugu duminay inaan maantana isku raacno inaan gacmaheena ku dhisano.?!

Ma rabo inaan dib ugu noqdo wixi horey u dhacay, iyo waxa keenay bur-burka waxaana qof walba oo Soomaali ah ka codsan lahaa in aan iska ilowno wixii horey u dhacay, inaan ku midowno dib u dhiska dalkeena.

Si aan dib ugu dhisno dalkeenana waa inaan xoogga saarnaa dhismaha hay`adihii aasaasiga ahaa ee adeegga bulshada ka hor inta aynaan caawimaad weydiisanin umad kale, ee aan marka hore aragno waxaan qabsan karno, waan ognahay lacagaha aan habeen walba Tv-yada ka aruurino inaan cusbitaalo iyo dugsiyo uga dhisi karno meel walba oo Somalia ka mid ah.

Ka hor qodobadan aan hoos ku sheegi doono, waa in dowladdu ay muhiimadda ugu horeyso siiso sugidda amniga.

Haddaba waxaa muhiim ah marka ugu horeysaba inaan aamino ha`adaha dowliga ah ee dastuuriga oo aan markii horeba wakiilanay.

Culuma owdiinka, wax garadka, odayaasha dhaqanka , haweenka , bulshada rayidka , iyo warbaahinta , in ay ka qeybqaataan wacyi gelinta shacabka iyo dhismaha dalka, si maskaxdooda looga tir-tiro kuwa maankooda la xaday ee looga faa`iideystay xiliyadii madoobaa ee nasoo maray, isla markaana loo furo indhaha lana tuso jawi nabadeed oo lagu dhiso mustaqbalkiisa iyo mustaqbalka caruurtiisa.

Caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, waxbarashada , iyo dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha.

In la sameeyo ilo dhaqaale oo ay dowladdu leedahay, sababtoo ah dowladdu ma awoodi karto horumarinta daryeelka bulshada haddii aaney helin ilo dhaqaalo kasoo galaan, sidaa daraadeed waa in loo dhisaa warshado.

Maal qabeenada, ganacsatada iyo qof walba oo Soomaaliyeed waa in lacagahooda ay dhigtaan bank-iga dhexe, marka aan sidaa leeyahay bank-ga dhexe ma qaban karo shaqadii la abuuray haddaan sidaa la yeelin mana ilaalin karo deganaanshaha qiimaha  iyo wareegga shilinka , dunidan casriga ah-na bank-ga dhexe lagama maamulo wasaaradda maaliyadda, mana hoos tagi karno sharci sameeyayaasha dowladda iyo maamulka dowladda intaba, waana madax banana yahay. Waxaana hubanti ah in Madaxweye Xasan Sheekh uu wacad ku maray ka hortagga musuq-maasuqa, sidaa darted waa in la helaa is aaminaad kal iyo laab ah, dhanka dowladdana laga helaa caddaalad iyo in ay ka dhabeysaa in sharcigu ka sareeyo qofka isla markaana ciqaabta uu muto la marsiiyo qofkii ku xad gudbaa hantida dadka iyo dowladdaba.

Is jaceylka iyo is walaal-shiga waxaa ka dhasha naxariis iyo wax wada cunid waxayna horseedi kartaa horumar iyo barwaaqo, waxaana jiilkeena dambe tusi karnaa waddo wanaagsan oo ay nooga daydaan.

Ugu dambeyntii waxaa Allah SWT ka baryayaa in sanadka 2013

ka noogu billowdo horumar iyo nabad , dhamaanteena uu nagu toosiyo dhabihii dib u dhiska dalkeena , difaaca diinteena ,daryeelka dadkeena .

FG: haddii aad qormadeydan ka aragto qalad, ma ahan waxaan xumaan uga dan leeyahay, waxana dulucda qoraalkeyga yahay wanaag iyo dib u dhis iyo isku duubnaan, mana aha mid aan ku doonayey in aan dad kala geeyo.

Wabillaahi Towfiiq

Abdulrahman Ahmed “Shiinka”  London- United Kingdom

shiinkaa@gmail.com