Sidee ayey dhalinyarada doorashadii Farmaajo ugu lifaaqeen Kubadda Cagta – Qormo Xiiso Badan.


Waxaan dhawaan idinla wadaagnay warbixin xiiso badneyd oo ku saabsaneyd waxyaabihii ay odayaasha fadhi ku dirirka ka dhaheen doorashadii Madaxweyne Farmaajo.

Haddaba dhanka kale hadaan eegno waxaan jecleysanay inaan maanta idinla wadaagno warbixin qosol leh oo ku saabsan qaabka ay dhalinyarada Isugu Lifaaqeen kubadda cagta Iyo hogaanka cusub ee dalka.

Dhalinyarada waa kuwa mar walba la jaanqaada hadba wacyiga jira, tiiyoo ay jirto iney aad ugu farxeen doorashadii madaxweyne Farmaajo taasoo kusii dhiirigalisay iney siyaabo kala duwan ugu lifaaqaan arintaan.

Qormadaan Waa Qormo Dhalinyareysan Sida Ay Shacabka Soomaalida badankood u farmaajeysan yahiin, inkastoo ay mashquul kugu galin doonto iney tahay arin siyaasadeed u baahan in wax badan laga fikiro.

  • Farmaajo wuxuu noqday Messi-ga Madaxda Soomaaliya.
  • Aniga waxan ka cabsanaa in Farmaajo uu u fashilmo sidii uu Old Trafford ugu fashilmay Memphis Depay.
  • Maya!! uma maleynayo inaan Farmaajo xitaa ku iibin karno 900 Malyan, Waa Difaac aan caadi aheyn.
  • Soomaaliya hadda ayeyba heshay goolhaye aysan jirin cid haweysan karta shabaqiisa.
  • Xasan Shiikh waxaa goolal badan laga dhaliyay bilowgiisii kooxda, waana sida Man City oo lagu soo siray Claudio Bravo.
  • Zidane wuxuu najaxay waqtigiisii ciyaariyahanimo, si la mid ahna wuxuu ku najaxay waqtigiisii tababarenimo isagoo koobab iyo qorsheyaal fiican kooxda u hogaamiyay, Farmaajo waaba Zidane oo kale.
  • Xasan Sheikh wuxuu garoomada la yimid shax jilcan oo aan kubadda la qeybsan karin
  • asaagood, waana sababta ay koox walba gool nooga dhalisay.
  • Sida ay Leicester City sanadkii lasoo dhaafay lama filaanka uga dhigtay England ayey doorashadii farmaajo layaab iyo lama filaan uga dhigtay Somalia.
  • Si uu guulo u gaaro Farmaajo wuxuu u baahan yahay inuu kooxda ka xoojiyo xagga difaaca kuna jiraan laba difaac oo garbaha ka weerar taga iyo gooldhaliye aanba la celin karin.
  • Farmaajo waa inuu xulka kusoo daro xidigahii ka gaboobay kubadda cagta sida: Scholes, Pirlo, Luiz Ronaldo, Maradona Iyo Pele si ay waaya aragnimo uga ugu siyaadiyaan jiilka soo koraya.
  • Walle Markaan Farmaajo 100 Malyan kula soo saxiixanay kooxaha dariska qalqal ay bilaabeen gool dambe nagama dhalin doonaan malaha.
  • Aniga waxey ila tahay in xulka qaranka uu haatan helay macalin fiican isla markaana dhinac la isaga tuuray macalinkii sida Wenger oo kale aan koob iyo guulo looga fadhin.
  • Farmaajo heshiiska ayaa loo kordhin doonaa haddii uu soo bandhigo qaab ciyaareed ilqabad leh iyo waxqabad loo riyaaqo.
  • War Asxaabey – Sida maaliyadaha Pogba, Messi, CR7 Iyo Zlatan ay noqdeen kuwa ugu badan ee dunida laga iibsado, Maaliyadaha Farmaajo ayaa ah kuwa ugu badan ee laga iibsado Soomaaliya, intaas ayaaba lacag laga sameyn karaa.
  • Farmaajo wuxuu u baahan yahay inuu keensado la taliyayaal isaga u gaar ah oo ay iskala shaqeeyaan guulaha kooxda sida uu Jose Mourinho u leeyahay lataliyaal aanba ka harin.
  • Macalin Farmaajo Guulaha uu gaari doono waxey ku xirnaan doonaan Shaxda uu kusoo galo kulamadiisa ugu horeeya garoomada.
  • Farmaajo si la hubo ayuu hogaanka ugu qaban doonaa hadii uu garoomada kusoo galo shax la tayo ah Antonio Conte.
  • Iska dhaaf!! hadda ayey kooxda heshay macalinkii ku haboonaa, maamulka waa eryeen midkii aan koobka inuu qaado aqoonta u laheyn.
  • Haddii macalin Farmaajo uusan cadaadis kala kulmin garsoorayaasha waxaan aaminsanahay inuu guuleysan doono, balse firinbiga halaga ilaaliyo
  • Layaab ayey igu noqotay inaan saacadahii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagan lasoo wareegno Farmaajo, Alla Muxuu xidig yahay!. War saaxiib ogow hee waa kii aan ku fashilanay xagaagii hore.
  • Waxey iila muuqataa inaan helnay MSN Iyo BBC oo wadajir ah madama aan helnay xidig aan shabaqa ka baaqsan karin.
  • Macquul inuu la qabsan waayo kooxda maadaama uu yimid cimilo ka duwan midda hore balse waa u dulqaadan doonaa inta uu garoomada kala qabsanaayo.
  • Aniga halka mid oo aan ka cabsi qabo waxey tahay in Farmaajo uu ka baxsan waayo saxaafadda sida uu saxaafadda England uga baxsan waayay Paul Pogba, laakiin waxaan rajeynaa inuu u adkeysto kana adkaado.
  • Farmaajo iyadoo la jecel yahay ayuu xilka isaga tagay kal hore sida uu Ferguson uga tagay Manchester-tii laga jeclaa, waxaan filayaa inuu 26-sano oo guulo ah Farmaajo la gaari doono kooxda sida uu sameeyay Fargie.
  • In madaxa fulinta kooxda loo doortay Farmaajo, waxey qalqal galineysaa koox walba oo garoonkeena saddexda dhibcoog ugu soo xisaabtami jiray.
  • Durba Kooxaha Dariska ayaa laga yaabaa iney cabasho u gudbiyaan FIFA iyo kooxaha waaweyn ee ay ku tiirsan yahiin si kor looga ogaado madama Farmaajo loo magacaabay tababaraha kooxda.

Intaas ayaan kusoo gabagabeeneynaa warbixintii xiisaha badneyd ee ku saabsaneyd waxyaabaha ay dhallinayarada isugu lifaaqeen kubadda cagta iyo Doorashadii Madaxweyne farmaajo.

Fikirkaaga ku aadan maqaalkaan qeybta hoose noogu reeb

Warbixintaan Dhalinyareysan waxaa isku soo duway: Suxufiga Da’da Yar Ee Arimaha Ciyaaraha Abdirashid Mohamud Nor “SHarDinHO”