Sidee loo dilay xildhibaan Maxamed Cabdi? Akhriso Qisada oo dhameystian iyo xog cusub

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mar kale ayay ilaalada madaxda dowladda Soomaaliya ku lug yeesheen dilka muwaadin kale oo isna ah xildhibaan maamul Goboleed.

Falkan oo Shalay ka dhacay Muqdisho, weliba goob ay ciidamada dowladda ku sugan yihiin oo si weyn loo ilaaliyo oo ah Isgoyska Sayidka waxaa geystay ilaalada xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii gaari uu watay xildhibaan xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Guuleed, kaasoo daba socday gaariga xildhibaanka Federaalka uu dhinaca danbe si fudud ugu dhacay Gaariga Toyot Hilux ee ay dhinaca danbe ka saarnaayeen ilaalada xildhibaan Abukaate.

Askari ka tirsan ilaalada xildhibaanka ayaa sida uu ku dooday Maxamuud C/llaahi Axmed (Abuukaate) waxay ka shakiyeen Gaariga ku dhacay iyo askari ka soo degay oo bistoolad watay wuxuu rasaas ku furay gaariga yar ee raaxada, taasoo keentay in rasaastii la riday ay madaxa ka haleesho Xildhibaanka Galmudug ee Maxamed Cabdi Guuleed, iyadoo dhaawac culus uu soo gaaray, iyadoo markaas kadib loola cararay isbitaalka.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo la dhigay isbitaalka Digfeer ayaa daqiiqado kadib ugu geeriyooday dhaawacii cuslaa ee soo gaartay. Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay askarta ilaalada u ahayd xildhibaan Abukaate ee dilka geysatay.

Askariga rasaasta furay ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, iyadoo la sheegey inuusan u diiwaan gashaneyn ciidamada dowladda oo uu ahaa maleeshiyo, iyadoo xildhibaan Abukaate laga yaabo in arrintan ay dhibaato weyn u keento inuu ilaalo u qorto qof aan ka mid ahayn ciidamada dowladda.-

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com