Sidee madaxda dowladda ugu qeyb galeen tukashada salaada ciida ee maanta: Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online)– Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Kheyre iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta tukashada salaada ciidul fitriga kala qeyb qaatay boqolaal shacab ah masjidka isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad kooban oo uu shacabka u jeediyay wuxuu alle ugu baryay in bisha ramadaan kheyrkeeda inuu alle la kulansiiyo, dalkana amni iyo xasilooni kusoo celiyo.

Farmaajo ayaa shacabka ugu baaqay in ay ciidamada amniga iyo dowladda kala qeyb qaataan howlaha lagu xasilinaayo shacabka, si looga guuleysto kooxaha dadka shacabka dhibaateeyo.