Sir Alex Ferguson: Chelsea ma ahan Chelsea-dii Jose Mourinho.

Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in kooxda hugaanka u heysa Barclays Premier League ee Chelsea aysan aheyn sidii waqtigii uu tababaraha u ahaa Special One.

Macalinka Blues Roberto Di Matteo ayaa si wanaagsan ku bilowday horyaalka iyadoo aan weli dhinaciisa dhulka la dhigin.

Tababaraha Manchester United Fergie  — oo ay maanta kooxdiisu u safreyso Stamford Bridge, ayaana amaanay kooxda aan weli la garaacin xilli ciyaareedkan.

Laakiin wuxuu dareensan yahay inay wado dheer u jirto sidii ay ku gaari lahaayeen waqtigii Jose Mourinho, iyagoo horyaalka ku guuleystay 2005 ilaa 2006.

“Ma dhihi doono waa kooxdii ugu adkeyd ee Chelsea. Hadii aan dib u milicsado sanadihii lasoo dhaafay, xaqiiqdii waxay ahaayeen koox aan laga reyn Karin, ayan adag tahay inaad la ciyaarto,” ayuu yiri Ferguson.

“Waqtigaas Didier Drogba, John Terry wey yaraayeen, Frank Lampard — wuxuu ahaa mid qadka dhexe ku dhaliya 30 gool taas oo kale weli kuma arkin.

“Run ahaantii waxay ahaayeen koox aad u awood badna, ayan adag tahay in la garaaco naxariisna ma laheyn.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.