Sirdoonka Mareykanka oo shaaca ka qaaday warbixin ceeb dhex joojisay Imaaraadka

Washington DC (Caasimada Online) – Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka dambeysay afduubkii Internet ee lagu sameeyey hay’adaha warbaahinta dowladda Qatar ee dhaliyey xiisadda ka aloolsan gacanka Carbeed.

Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya saraakisha ayaa qoray in 24-kii bishii May la qabsaday wakaaladda wararka Qatar, kadibna lagu daabacay hadallo loo tiriyey amiirka dalkaas Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani, oo uu ku ammaanayo Iran iyo ururka Xamas, kuwaasi oo qiil looga dhigtay in xiriirka loo jaro Qatar.

Warbixinno ay soo ururiyeen sirdoonka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in madaxda Imaaraadka ay 23-kii May ka doodeen arrintan, si qiil loogu raadiyo in xiriirka loo jaro dalka Qatar.

Si kastaba, warbixintu waxay sheegtay in weli aysan kala caddeyn in Imaaraadka ay si toos ah ugu dhaqaaqeen afduubkan internet, ama ay adeegsadeen shirkado u fuliyo, hase yeeshee ay caddahay in qorshahan ay ayaga lahaayeen.

Safiirka Imaaraadka Carabta ee Washington DC, Yousef al-Otaiba, ayaa si kulul u beeniyey in dalkiisa uu ka dambeeyey arrintan.

“Imaaraadka haba yaraatee wax lug ah kuma lahan afduubkan Internet ee la sheegay, balse waxaan shaki ku jirin in Qatar ay maal-geliso argagixisada” ayuu yiri.

Warbixinta sirdoonka Mareykanka ayaa caddeyn u ah in Qatar gardarro lagu maagay, islamarkaana Sacuudiga iyo Imaaraadka ay yihiin dambiilayaal ku kacay burcadnimo dhinaca Internet-ka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com