Sirta raqameed ee Suuradda Alqalam

Suuradda Al Qalam waxay kamid tahay suuradaha ugu soo hor degey Quraanka kariimka, wuxuu Ilaahay ku dhaaranayaa horraanta suuraddaasi Qalinka oo ah waxa ugu horreeyey ee uu abuuray. Suuradda Al Qalam, waxay kamid tahay suuradaha 29-ka ah ee ku billawdo xuruufta muqaddaca ah (yacni xuruufta go’an ee Ilaahay uun uu yaqaan macnahooda). Quraanka suuradahiisa waa 114, waxaa loo qeybiyaa labo qeybood oo kala ah nuska hore oo ah 57 suuradood, iyo nuska dambe oo ah 57 suuradood.

Suuradaha 29-ka ahi ee ku billawda xuruufta muqaddaca, 28 kamida waxay ku jiraan nuska hore ee Quraanka, halka suuradda Al Qalam oo keliya ay tahay suuradda ku jirta nuska dambe, Sidoo kale suuradda Al Qalam waa suuradda ugu dambeysa xagga tartiibka marka laga hadlaya suuradaha xuruufta go’an ku billawda. Su’aashu waxay markaasi noqoneysaa ”Maxay tahay sirta ku jirta in laga sooca suuraddan suuradaha kale ee walaalaheeda ah”? Tani waxay muujineysaa mucjisada Quraanka, waxayna ina tusineysaa mucjisa raqameed daahila oo aad u cajiiba.

Suuradda Al Qalam sida aynu xusnay waxay ku taal nuska dambe ee Quraanka, waana suuradda keliya ee lagu xusay nuska dambe, marka laga hadlaya 29-ka suuradood ee xuruufta go’an ku billawda. Haddaba suuraddaasi ayaa ka soocan suuradaha walaalaheeda ah, waxaana ugu dhaw suurad xaraf muqaddac ah ku billaabato suuradda Qaaf oo ah suuradda ugu dambeysa ee kamidka ah 29-ka xuruufta muqaddaca ku billawda ee lagu xusay nuska hore ee Quraanka. Taa macnaheedu waxay tahay suuradda Qaaf, waa suuradda 28-aad ee kamidka ah suuradaha xuruufta go’an ku billawda, halka suuradda Al Qalamna ay tahay suuradda 29-aad. Haddaba aan soo gudbinno marka hore magacyada dhammaan suuradaha xuruufta muqaddaca ku billawda iyo tartiibkooda Quraanka, waana sida tan:

1. Al Baqrah, waa tartiibka suuradda 2-aad
2. Aal Cimraan waa tartiibka suuradda 3-aad
3. Al Acraaf waa tartiibka suuradda 7-aad
4. Yuunus waa tartiibka suuradda 10-aad
5.Huud waa tartiibka suuradda 11-aad
6. Yuusuf waa tartiibka suuradda 12-aad
7. Ar- Racad waa tartiibka suuradda 13-aad
8. Ibraahiim waa tartiibka suuradda 14-aad
8. Al Xijr waa tartiibka suuradda 15-aad
10. Maryam, waa tartiibka suuradda 19-aad
11. Dahaa waa tartiibka suuradda 20-aad
12.Ash- Shucraa waa tartiibka suuradda 26-a-ad
13. An Naml waa tartiibka suuradda  27-aad
14. Al Qasas waa tartiibka suuradda 28-aad
15. Al Cankabuut waa tartiibka suuradda 29-aad
16. Ar- Ruum waa tartiibka suuradda 30-aad
17. Luqmaan waa tartiibka suuradda 31-aad
18. As- Sajdah waa tartiibka suuradda 32-aad
19. Yaasiin waa tartiibka suuradda 36-aad
20. Saad waa tartiibka suuradda 38-aad
21. Ghaafir waa tartiibka suuradda 40-aad
22. Fussilat waa tartiibka suuradda 41-aad
23. Shuuraa waa tartiibka suuradda 42-aad
24. Az- Zukhruf waa tartiibka suuradda 43-aad
25. Ad- Dukhaan waa tartiibka suuradda 44-aad
26. Jaathiyah waa tartiibka suuradda 45-aad
27. Al- Axqaaf waa tartiibka suuradda 46-ad
28. Qaaf waa tartiibka suuradda 50-aad
29. Al Qalam waa tartiibka suuradda 68-aad

Maadaama suuradda Qaaf ay tahay suuradda ugu dhaw suuradda Al Qalam, marka aynu ka hadleyna suuradaha 29-ka ah ee xuruufta muqaddaca ku billawda, waxaa habboon inaan is weydiinno immisa suuradood ayaa u dhexeeya suuradda Qaaf iyo suuradda Al Qalam. Intaa kadib waxaan heli doonnaa suurada u dhaxeeyo inay yahiin suuradahan

Ad- Daariyaat, Ad-Dduur, An Najam, Al Qamr, Ar- Raxmaan, Al Waaqicah, Al Xadiid, Al Mujaadalah, Al Xashri, Al Mumtaxinah, Al Saf, Al Jumac, Al Munaafiquun, At- Taqaabun, Ad- Ddalaaq, At- Taxriim iyo Al Mulki. Markaynu tirinno suuradahani waxaa inoo soo baxaysa inay yahiin 17 suuradood. Taa macnaheedu waxaa weeye 17 suuradood oo aanan ahayn 16 ama 18 iwm ayaa u dhaxayso suuradaha Qaaf iyo Al Qalam. Subxanallaah!! maxay tahay sirta ka soocday suuradda Al Qalam suuradaha xuruufta muqaddaca, ee haddana suuraddii ugu sokeysay ee iyada soo xigtay u jirsiiyey qaddar ah inay u dhaxayso 17 suuradood?

Midda u baahan inaynu qeexnaa ayaa waxay tahay raqamka 17 inuu yahay raqam sireed cajiib ah oo calaaqo la leh numberka 29-aad oo ah raqamka suuradaha ay kamidka tahay suuradda Al Qalam ee xuruufta go’an ku billawda.

Suuradda Al Qalam waxay Quraanka uga jirtaa tariib ahaan raqamka 68-aad. Subxana-Allah, kanina waa dhowr jibbaarka raqamka 17-aad.

7*4= 68.

Suuradda Al Qalam waxay ka kooban tahay 52 aayadood, aayadaheeda oo dhan 4 kamid oo keliya ayaa mid weliba waxay ka kooban tahay 17 xaraf (waa aayadaha 9, 12, 37, 38). Taasoo haddii si fudud aanu u qeexno heleyna sida tan.

4* 17= 68. Subxana- Allaah!!. U fiirso, 4 waa aayadaha afarta ah, 17, waa xuruufta ay ka kooban tahay aayad waluba. Natiijada ay ina siisay arrintaasi, waa tartiibka suuradda oo ah 68.

Waxaa kaloo cajiib ah in afarta aayadood xuruufta kusoo aroortay ay yahiin 17 xaraf oo keliya oo xaraf kale aanu ku jirin, waana sidan xuruufta aayadahaasi afarta ahi ay ka kooban yahiin

و.د.أ.ل.ت.هـ.ن.ف.ي.م.ع.خ.ر.ث.ك. ب . س

Sida aynu kor kusoo bandhignay marka aynu ka hadleynay tartiibka suuradaha xuruufta muqaddaca ka billawda ay Quraanka uga kala jiraan waxaa inoosoo baxday in suuradda Al Qalam ay tahay suuradda 68-aad ee tartiibka Quraanka. Taa macnaheedu waxaa weeye suuradda Al Qalam waa suurad dhaban ah, maadaama ay tartiibka kaga jirta 68, taasoo ah tiro dhaban ah. Suuradaha 29-ka ah ee xuruufta muqaddaca ku billawda, qaar waxay tartiibka Quraanka ugu jiraan tiro kisi ah, qaarna tiro dhaban ah. Suuradaha 29-kaasi xuruufta muqaddaca ku billawda kamidka ahi ee tartiibkooda Quraanka uu yahay tiro dhaban ah ayaa waxay kala yahiin suuradahan kala ah1. Al Baqrah
2. Yuunus
3. Yuusuf
4. Dahaa
5.Ibraahiim
6. Ash- Shucraa
7. Al Qasas
8. Ar- Ruum
9. As- Sajdah
10. Yaasiin
11. Saad
12. Ghaafir
13. Shuuraa
14. Dukhaan
15. Al Axqaaf
16. Qaaf
17. Al Qalam.Subxana-Allaah waa 17 suuradood suuradaha tirada dhabanka ay tahay tartiibkooda Quraanka.Waxaa kaloo cajiib ah, haddii suuradaha Quraanka sida ay u kala dheer yahiin aan ukala hor marinno, suuradda Al Qalam wuxuu tartiibkeedu noqon lahaa raqamka 46-aad, taasoo lamacna ah raqam mucjiseedka suuradda Al Qalam ee 17 oo lagu daray raqamka ishaaraya suuradaha ay kamidka tahay suuradda Al Qalam ee ku billawda xuruufta muqaddaca, kaasoo ah 29.17+ 29= 46 Subxana-Allaah.Waxaa kaloo cajiib tartiibka caadiga ah ee ay suuradda Al Qalam Quraanka kariimka uga jirta ee ah 68 marka lagu daro tartiibka ay suuradda Qalam uga jirta dhererka suuradaha oo ah 46, waxaa inoo soo baxaysa 114, taasoo ka dhigan raqam tireedka tilmaamaya suuradaha Quraanka……..

Dhanka kale suuradda Al Qalam waa suuradda 29-aad marka laga hadlaya suuradaha xuruufta muqaddaca ku billawda, taa macnaheedu waxaa weeye waa suuradda ugu dambeysa ee xuruuf muqaddac ku billaabato. Aayadaheedu waxay ka kooban yahiin 52 aayadood. Labo suuradood oo kale ayaa jiraan oo ay calaaqad raqameed la leedahay suuradda Al Qalam oo ay iyadu saddex ku tahay.

Suuradda Al Cankabuut. Qalam maaddaama ay ahayd suuradda 29-aad ee suuradaha ku billawdo xuruufta muqaddaca ah, Cankabuut waa suuradda 29-aad ee tartiibka Quraanka kariimka ah. Aayadaha Cankabuut waxay ka kooban yahiin 69 aayadood. Farqiga u dhaxeeya aayadaha Al Cankabuut iyo Al Qalam, waa 17 aayadood (69- 52= 17). Subxana Allah.

Suuradda kale waa suuradda Ad- Taariq oo ah suuradda keliya ee ku dhammaato 17 aayadood.Waa suuradda 29-aad marka laga soo billaaba tartiibka nuska dambe (ama gadaale).

Kedista weyn: Haddii aan is barbar dhigno raqam tireedka aayadaha suuradda Al Qalam (52) iyo kan aayadaha suuradda Al Cankabuut (69), waxaa inoosoo baxaya sida tan 5269. Muxuu yahay raqamkani? Waa maxay sirta ku jirta?

Maadaama Quraanku uu yahay labo nus, oo kala ah min 57 suuradood, annagoo ka duuleyna raqamka 57, haddii aynu soo qaadanno suuradaha 57da ah ee ugu aayadaha badan Quraanka kariimka oo ay ku jirta suuradda Al Qalam, ayaa aayadahoodu waxay noqonayaan isku darr 5269, Subxana- Allaah.

Intaan oo qura maahan mucjisada raqameed ee suuraddan Al Qalam, waxayse leedahay mucjisooyin badan oo cajiib ah, ha noqdaan mid raqameed ama ha noqoto mid cilmi intuba, waase intuu Alle ina waafajiyey immika intan. Subxana-Allaah.

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: tahirmohis@gmail.com
OG: Emailkeyga kale: mohamed1@live.fi, waa cilladeysan yahay ma furmaya.
____________________________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net