Diyaarad dagaal oo gantaal ku dishay 31 qof oo Soomaali ah

Sanca (Caasimada Online) – 31 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa lagu dilay xeebaha dalka Yeman, kuwaasi oo ay duqeysay diyaarad helicopter ah xili ay u socdaalayeen gudaha Yeman sida ay baahisay wakaalada wararka Reuters.

Dadkaan Soomaaliyeed oo haystay documentiyada hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa waxay ka tageen xeebaha ay maamulaan xuutiyiinta, gaar ahaan Hodeidah.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in 80 qaxooti kale laga badbaadiyay markii duqeyntaasi ay ku dhacday doonta, kuwaasi oo dhamaantood ahaa Soomaali.

Ilan hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo safaarada ay ku leedahay Yeman ma jirto. Sidoo kale, Ilaa iyo hadda lama oga cidda weerarka gaysatay.

Dalka Yemen ayuuse dagaal sokeeye oo xun ka jiray tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2015kii; saddex meloodow labo ka mid ah bulshada dalkaasina waxay qarka u saaran yihiin in ay maculuuli ku habsato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com