Somaliland oo wada hadalladii ayada iyo Somalia war culus kasoo saartay

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in dib ay u billaaban doonaan wadahaddaladii u dhexeeyay maamulkaas iyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo u qabtay Hargeysa wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar ayuu ku shaaciyay inay dib u furmi doonaan wada-hadalladii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay in wadahadallada labada dhinac ay daba joogaan kuwa kal hore ka dhacay London iyo Dubai bartamihii 2012.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuusan maamulkiisu aqbali doonin in shaqsiyaad ka soo jeeda Somaliland ay ka qeyb-galaan wada-hadallada ayagoo matalaya dowladda Soomaaliya.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegamaya iyadoo dhawaan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu shaaciyay hadal kan la mid ah oo la xiriiray dib u furmashada wada-hadallada u dhaxeeya labada dhinac.

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu kaga hadlay shirkiisan jiraa’id Maamulka Somaliland iyo Wadahaladii u socday Dowladda iyo madaxda maamulka Somaliland, isagoo rajo ka muujiyay inay dhowaantan bilaaban doonaan wadahadaladaasi.

Wuxuu yiri:- “Waxaan rajeynayaa in Wadahadaladani ay ka soo baxaan miro wanaagsan oo ay ku farxaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay inay wax lagu taamo tahay Midnimada ummadda iyo wadajirkeedu.

Bartamihii sanadkii tegay ayay ahayd markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland si rasmi ah isu soo hor fariistaan tan iyo markii ay Somaliland iskeed ugu dhawaaqday inay gooni isu taagtay oo ay tahay dal ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa