DF Somalia oo la sheegay in ay dhismaha M/Goboleed cusub ka wado Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhismaha maamul goboleed cusub ka wada gobolada Sool iyo Sanaag, sida waxaa sheegay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga Ucid, ayaa dowladda federaalka ku eedeyay inay ku howlan-tahay in maamulkaasi cusub ka dhisto goboladaasi oo uu sheegay in deegaanadaasi ay kamid yihiin Somaliland.

Faysal ayaa sheegay in qorshaha ay Dowladda federaalka ku rabto in deegaanada goboladaasi ay maamul ugu sameyso ay hor kacayaan, isla markaana ay fulinayaan Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadeeda iyo Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland.

Wuxuu sidoo kale uu sheegay Guddoomiye Faysal in dhismaha maamulkaasi lagu dhisayo iyo qorshihiisaba ay Mas’uuliyiintasi ka wadaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Faysal Cali ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn Somaliland in deegaanadeeda laga dhiso maamul, isla markaana ay si adag uga soo horjeedo qorshahaasi uu sheegay, isagoona xusay in talaabo deg deg ah oo ka dhan ah qaadi doonaan arintaasi.

Hadalka Faysal ayaa waxa uu ku soo aadaya xili uu Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, oo uu kula kulmeyna Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu kamid ahaa Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, Cabdixakiin Cameey.

Maamulkan cusub ee uu sheegay Faysal Cali  ayaa waxa uu ka madax banaan doona maamuladda Somaliland iyo Puntland, oo iyagu inta badan uu ka dhaxeeyo dagaal xuduudeed baahsan oo dhowr jeerna soo noq-noqday.