SOO-IYAGII MAHAN?! Fallan-qeyn ku saabsan wasiirada uu soo magacaabay Gaas

Sideed iyo tobankii Luuliyo, 2017, Golaha wakiillada Puntland waxay kasoonidii kala noqden Golihi Wasiirrada, kadib markii 53, kamida Mudaneyaasha Barlamaanka Dawlad Gobolleedka Puntland ay soo xaadireen.

kulankii xasannada looga qaaday wasiirradii hore oo seddex (sanno), xilalka soo hayeen, 47, kamida Gollaha wakiillada Puntland ayaa ogallatay in xilalka laga qaado Golaha wasiirada 9, ayaa diiday 1, ayaa ka, amusay tasoo caddeysay in si guud barlamaanku kalsoonidii uga qaaday xukumaddi hore ee PUntland.

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmad Cali Xaashi) oo shir Guddoomineyey kulanka “Oo”muhiim u -ahaa geedi socodka shaqo ee Gollaha Barlamanka Puntland  wuxuu Warbaahiyeysha ka sheegay maalintaas, sababta kaliftay in kalsoonidii lagala noqda Golihii wasiirrada.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland  oo sababeyey kalsooni kala noqoshadii xukumaddii hore, Qodobbada loo cuskaday , Golaha wasiirada ee hada jira waxay ku fashilmen, inay dajiyan hannan lagu hormariyo dhaqaalaha Dadka (Reer) Puntland, waxaa hoos u dhacay dhaqdhaqaqa (GANACSIGA), waxaa yaraday isu socdkii Bulshada Soomaaliyeed ee wada ganacsan jiray,

Golhu wuxuu ku guuldaraystay inuu bixiyo (Xuquuqda) Ciidamada iyo Shaqaalaha rayadka ee Puntland, sidookale waxaa la hir galin wayey ku dhaqanka {miisaniyada} Dalka, waad mahadsantihiin sidas waxaa ku dhammadey Mooshinkii qodobka 67,baad), ee tibaxayey, kalsooni kala noqoshada Gollaha wasiirrada. Sidas waxa ku cad in wasiirrada hada jira kalsoonidii laga qaaday, ayu yiri Axmad Cali Xaashi Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, 18/07/2017/:

Sida Xeerku Puntland xaddidayo Madaxweynuhu waa inuu 20, cisho kusoo magacaabo Golle Wasiirra,wuxuuna soo magacabay 07/08/2017, 53, wasiirro wasiiru Dawalayal iyo wasiir ku xigeeno, waxana dhaarisay maxkamadda sarre.

Haddaba soo iyagii mahan? Marka laga reebo qiyaastii labo wasiir inta kale waa wasiirradii Barlamanku xasanadii kala noqday, waa wasiirradii lagu soo edeyey inay gudan wayeen shaqadii Bulshadu uga fadhiday, waxan soo xasuustay maahmaahdii ahayd middi saawira iyo madax muuqda midna lagama simro), Madaxweynuhu ma isku shandheyn ayuu samyey mise wuxuu soo dhisay xukumad cusub?, Jawaabtu waa isku shandheyn maxay tahay sababta looga marmi waayey xubnihii lagu soo eedeyey xil gudasho la’aan? .

Maxay tahay sababta soo celisay?”

Sida muuqata Xilka Madaxweyne Cabdiwli Maxamad Cali Gaas) waxa ka harsan hal (Sanno) iyo bar)- ilaa hadana lama hirgalin hannankii Qof weliba codkiisa ku dooran laha masuuliyinta Dawadda, sidas darted Madaxweynuhu wuxuu u bahanahay xulufo siyaasaddeed, waana mida soo celisay saaxiibbo badan oo kamid ahaa kuwii kalsoonida lagala noqday lakaiin Madaxweynuhu kalsooni fiican uu ku qabo.

Barlamaanka maxaa la gudboon?

Golaha wakiiladda waxaa la gudboon inay mid- mid u, ansixiyan Golahan wasiirrada cusub si loo kala reebo kuwo ku fashilmay shaqadii loo- egmaday, sidookalana loo tijaabiyo kuwa shaqo wanaga labidayo ama shaqada ku cusba.

Dareenka Dadwenaha

Dadweynuhu- aad ayuu usoo dhaweyey markii Barlamaanku xasannadii kala labtay Golihii wasiirrada ee hore waxana loo- arkay inay tani tahay isla xisabtan iyo hufnan shaqo.

Waxaase Dadweynuhu dareen gali doona markii dhammana Golahan wasiirrada Barlamanku ansixiyan  waayo wax is bedel ah kama muuqdan Golaha Xukumadda cusub ee Madaxweyne Gaas uu soo magacaby.

Keliya waxaa madaxweynhu sameyey isku bedel kooban sida awgeed haddii barlamaanku ansixiyo dhammaantood wasiirradan cusub sheekadu waxay noqon doonta (Ilko Abeeso hoosbay ka xariir sanyihiin).

28/ Aktoobar 2015,ayey ahayd markii Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire mooshin laga keenay kadibna uu- is casilay deedna  Xildhibaannada Puntland ayaa si buuxda ku aqbalay is casilaadii Siciid Xasan Shire, waxaana Barlamaanka Puntland loo doortay Guddoomiyaha hada xilka haya  Axmad Cali Xaashi.

Ugu dambayntiina Dadka siyaasadda Puntland taxliiliya waxay tilmaman in Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweynhu ay yihiin xulufo siyaasaddeed, (Gaas-na) ku kalsonyahay ansixinta Golaha wasiirrada cusub.

Bulshadu waxay u bahan tahay hadal yar iyo hawl badan. Puntland waxa ku filan 7 wasiir iyo 15, Aggaasimiyaal, 53, wasiir Puntland iyo Maamul Gobolleed kasta waxay ku tahay culeys.

W/Q: Cabdinuur Faarax Maxamuud
Falanqeeye Arrimaha bulshada.
Email- guuleed72@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid