Soomaali badan oo ku dhintay Libya

Tripoli (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo waddanka Libya ayaa sheegaya in ku dhawaad 20-qof oo Soomaali tahriib ay ku dhinteen waddankaas, kaddib markii baabuur ay saarnaayeen oo lagu soo raray shamiito ay ku duntay.

Dadkii ku dhaawacmay shilkaas iyo kuwii ku dhintay ayaa la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada Tripoli, halka dadkii ka badbaaday loo taxaabay xabsiga.

Qadro Rashiid oo ka mid ah dadkii ka badbaaday shilkaas ayaa u sheegtay VOA-da in ku dhawaad labaatan qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen shaley oo jimco ahayd meel ku dhow xarunta Libya ee Tripoli.

“Shilku wuxuu ahaa, waxa aan la soconay gaari sida aragi oo kale loo raray, kaddibna waxa la saaray Shamiinto iyo bulukeeti, oo annaga ayaa hooseenay, waxa aanu ahayn 124-qof,markii ay ku soo dhawaanay magaalada ayaa waxa nagu soo jabay shamiitadii iyo bulukeetiga, waxana ay taleefon u soo dhiibeen nin ka tirsan kooxaha muqalisiinta, waxa aan ku niri war gaariga jooji, isagana wuxuu ka cabsanayay bilayska, markaas wixii kale ayaa soo dumay” ayey tiri Qadra.

Intaas kaddib, waxa ay sheegtay gabadhan ka badbaaday shilka, in markii dambe la joojiyay baabuurka, oo lagu arkay meydadka illaa 20-qof iyo dad dhaawac ah, kuwaasoo dhammaan la dhigay isbitaal ku yaalla Tripoli, halka kuwii ka badbaaday iyana loo taxaabay xabsiga.

Dadkan ayaa la sheegay in markii hore ay ka yimaadeen Soomaaliya iyo dhulka Is-maamulka waddanka Ethiopia. Waxana ay rabeen in ay aadan waddamada Yurub.

Libya Soomaali badan ayaa ku dhintay, kuwaasoo inta aysan soo gaarin Libya ay dhex ugu dhintaan oon iyo gaajo, kuwa kalena marka ay yimaadaan Libya ayey badda doon ka raacaan iyagoona safar xagga badda mara, waxana ay aadaan Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi