Soomaali ka mid ahaa magafeyaasha Libya oo la qabtay (Warbixin)

Rome (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Talyaaniga, ayaa xabsiga u taxaabay nin Soomaali ah, oo lagu eedeeyay in uu gacan-saar la lahaa kooxaha dalka Liibiya, ee dadka tahriibiya ee magafeyaasha.

Ninkan, ayaa waxaa Talaadadii lagu xiray Jazeerada Lampedusa, oo uu halkaasi soo gaaray 27-kii bishii hore ee May.

Suxufiyad lagu magacaabo Josephine McKenna, lana socotay kiiska ninkan, ayaa waxay sheegtay in ninkan lagu soo eedeeyay kufsi iyo jirdil uu gudaha Liibiya ugu gaystay dad muhaajiriin ahaa.

“Ninkaasi waxaa lagu eedeynaya in uu fara xumeeyay, qaab silcin ahna uu ugu gaystay gudaha dalkaasi Liibiya dad magangelyo doon ahaa, ka hor safarkoodii ay badda Mediterranean-ka kaga soo tallaabeen, ayna ku soo gaareen Jazeerada Sicily.” Ayay tiri Josephine McKenna.

Waxay sheegtay in qaar ka mid ah muhaajiriinta soo gaartay dalkaasi, ay booliska ku soo wargeliyan in ninkaasi uu ka tirsanaa kooxaha wax tahriibiye, isla-markaana uu xadgudubyo kula kacay.

Josephine McKenna, ayaa waxay sheegtay in boolisku uu hadda tuhun weyn ka qabo in ninkaasi uu xubin ka yahay urur caalami ah, oo si sharci-darro ah dadka u tahriibiya, kufsada, oo xitaa dil kula kaca.

Liibiyiinta dadka ku haysta saxaraha dalkaasi, ayaa dhibaatooyin daran kula kaca dadka tahriibe-yaasha ah, iyagoona qoysaskooda ku cadaadiya in lacagaha madax furashada ka soo bixiyan, haddii kalana ay dilayan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com