Soomaali loogu doortay Xildhibaano Dalka Denmark.

Copenhagen ( Caasimadda Online) – Labo ka mid ah Soomaalida degan dalka Denmark ayaa loo doortay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalooyinka Copenhagen iyo Odensa.

Labada Xildhibaan ee la doortay ayaa la kala yiraahdaa Ibrahim Dhaqane oo doortay Xildhibaan Golaha Deegaanka Denmark iyo Abdinur Adan Hire oo loo doortay Xildhibaan Golaha Deegaanka Odense oo ah Magaalada 3aad ee ugu weyn Dalka Denmark.

Xildhibaan Ibrahim Dhaqane ayey tahay Markii 3aad ee loo doorto Golaha Deegaanka Magaalada Copenhagen arintaasoo lagu tilmaamay dib u doorashadiisa inay ku timid wax u qabashada Soomaalida degan Magaalada Copenhagen.

Xildhibaan Abdinur Aadan Hire ayaa markii koowaad loo doortay Golaha Deegaanka Odense balse waxaa ay dadka soomaaliyeed ee Degan Magaaladaasi ay sheegeen inuu wax badan u qabtay intii uu ka shaqaynayey dawladda Hoose ee Odense.

Doorashada Labada Xildhibaan ee Golaha Deegaanada Copenhagen iyo Odense loo doortay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayey Guul u tahay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka Degan Denmark.

Talaabadan ayey ku tilmaameen dadka degan Dalka Denmark inay tahay talaabo hore loogu qaaday arimaha Siyaasada Yurub.

Inkastoo ay jiraan Muwadiniin Soomaaliyeed oo Jagooyin Waaweyn ka qabtay Wadamo kala duwan oo Caalamka ah haddana arintan waxa ay ka sii qayb qaadanaysaa Doorka ay Soomaalidu ku yeelanayso arimaha Siyaasada dalalka Yurub.