Soomaalidii ugu horeysay ee Nairobi laga masaafuriyey oo tagtay Xamar

Markii ugu horeysay diyaaradsiday qaxooti soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyey dalka kanya ayaa maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalak Soomaaliya.

Dadkaan oo tiradooda ay gaareyso ku dhawaad 85 qof ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan dowlada Somaaliya,sida Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh Axmed,wasiiro ka tirsan xukumadda Soomaliya, eheladooda, qaraabodaada, iyo asaxaabdoodaiyo, waxa ayna dadkaasi iskugu jiraan Caruur, Haween, iyo Dad’da ah.

Dadkaas laga keenay Kenya oo la hadlay idaacada dalsan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in dalkooda dib ugu soo laabtaan maadaama ay tilmaameen in dhibaato xoogan ay ku heysatay dalka Kenya oo aan loo dulqaadan Karin waa sida ay hadalka u dhigay.

Dowlada Kenya ayaa dadkaan ku eedeesay in dalkeeda ay sharci daro ku joogeen xili howlgal raaf ah laga sameeyey Xaafadda Islii oo ay soomaalida ku badan tahay ee Dalkaas.

Kenya ayaa horay amar ugu bixisay in soomaalida aan heysan sharciga ay dib ugu laabtaan Xeryaha Qaxootiga,waana markii ugu horeysay oo Dowlada Kenya soo tarxiiliso soomaaliya dalkeeda mudo ku sugnaan sharcidarana lagu eedeeyay in dalkeeda ay ku joogeen.

Kenya ayaa qaraxo ay dad ku dhinteen ayaa maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen taasi oo kentay in soomaali badan la qab qabto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com