Soomaaliya Ciqaab kama jirto Abaal-marina kama jirto!!!

Waxaan maqlay in maamulaha Barta-canshuurta ee Garoonka (Airport Custom), ee Wasaaradda Maaliyadda uu badbaadiyay 34, 000 (Soddon iyo Afarkun dollar), oo ah Canshuurta ay bixiyaan ganacsatada Jaadka la sii degta, taasoo ninkii isaga ka horeeyay uu lunsan jiray (xadi jiray).

Marka lacagtaas la xadi jiray bishii la qiyaasay (everage), waa 510,000 (Shan boqol iyo Toban kun Dollar), sanadkiina lacag dhan 6, 120,000 (Lix Million boqol iyo labaatan kun dollar), haddii la qiyaaso intii shaqsigaasi uu xilkaasi hayay intii uu lunsaday waa in ka badan 24,000,000 (Afar iyo Labaatan Million dollar).

Bal qiyaas xatooyada dembigaas ka dhalaneysa!!!

Haddaan u soo laanto Soomaaliya Ciqaab ma lahan, abaal-marina ma lahan. Waxaan ula jeedaa qofkii dambiga intaas la eg ku kacay, lama dabagelin, lama baarin mana lala xisaabtamin.

Waxaase kaaga sii daran warsaxaafadeed wasaaradda warfaafintu soo saartay laguma xusin in la abaal-marin doono shaqsiga cusub (Maamulaha Barta canshuurta ee Garoonka Aadan-cadde), ee soo xareeyay lacagtaas la musuqmaasuqi jiray in la abaal-marin doono, oo ugu yaraan magacyadoodana la xuso (kan wax xaday iyo midka wax xafiday), sidoo kalena la xuso in Dowladdu mushaarkiisa kordhin doonto, si ay dhiirigelin ugu noqoto midka canshuurta sida nadiifka ah u soo xareeyay.

Maxaa diidaya in ninkan uu ku fikiro in sida ninkii isaga ka horeeyay uu dabaqyo waaweyn dhiso ku hamiyo oo dhac Canshuurt Dowladda, maadaama aaney jirin wax kala duwanaansho (farqi) ah oo idiin dhaxeeya kii xadi jiray lacagtan.

Talo:

Waxaan ku talin lahaa in sida caalamka horumaray ay dembi weyn iyo ciqaabo uga dhashaan muqusa Canshuurta (Tax Fraud), in la shaaciyo magaca canshuur xadaha iyo midkan badbaadiyay, laguna shaaciyo warbaahinta, si looga digtoonaado in shaqsi dambe uu ku koco falkaan foosha xun ee xatooyada xoolaha dadweynaha. Sidoo kalena mushaarka loo kordhiyo/biiriyo shaqsiga muujiyay ammaanada iyo mas’uuliyadda wanaagsan ee xalaasha ah.

Gabagabo: heesbaa beri samaadkii la qaaday ayaa oraneysay sidan:

–Howlaha arlada haddii lagugu aamino Umadda u shaqeeyiyo adeege lagaa dhigo

–Ha is oranin cidi kuma arkeysee Afka buuxso

–Ha is oranin cidi kuma arkeysee Aqallo jeexo

–Ha is oranin cidi kuma arkeysee Ina adeerso!!!

Garaad Salaad Xersi

Mudaadin Soomaaliyeed