Soomaaliya oo kaalin fiican ka gashay wadamada Africa ugu farxadda badan kadib qiimeyn la sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online)-Wadanka Soomaaliya ayaa kamid ah noqday shanta wadan ee Afrtica ugu farxadda badan sida ay muujineyso warbixin ay maagelisay Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa kaalinta shanaad ka gashay qiimeyntaas waxaana ka horreeyey wadamada  Algeria, Mauritius, Libya iyo Morocco.

Baaritaankaan ayaa laga sameeyey ilaa 155 wadan, waxaana laga dhawaajiyey in dadka ugu liita xagga farxad inay kasoo jeedaan wadamada dalka Jamhuuriyada Afrika dhexe, waxaa ku xiga Burundi, iyo Tanzania.  Sidoo kalana waxaa qiimeyntaas liis hoose oo liita ka galay wadamada kala ah Rwanda, Togo, Guinea, Liberia iyo South Sudan.

Baaritaankaan ayaa wuxuu socday sanadihii 2014 ilaa 2016 wuxuu ku saleysnaa su’aalo la waydiinayey in ka badan 1000

Waxaa tusaale loo soo qaatay jaranjaro ka kooban 10 talaabo, oo kadib dadka la waydiiyey halka ay la tahay in ay ka joogaan jaranjaradaas marka la eego dhinaca faraxa iyo nolosha ay kunool yihiin.

Warbixintaan qeybteeda ka hadleysay Africa ayaa muujineysi in wadamada Serra Leon iyo Cameroon ay horumar ka sameeyeen xagga faraxadda tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Dadka Africa intoo badan ayey warbixintaan sheegtay inay yihiin kuwa muujinayo rajo wanaagsan inkastoo aysan si fiican ugu faraxsaneyn sida ay wax u qabtaan dowladaha ka dhisan wadamadooda, waxayna ugu dambeyntii warxbixinta lagu sheegay inay dadkaas muujiyeen adkeysi iyo dulqaad aad u weyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com