Soomaaliya oo kaalin yaab leh ka gashay qiimeynta awooda milatariga dalalka dunida

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu qoray Global Firepower, Soomaaliya ayaa kaalinta 126aad ka gashay illaa 127 dal oo la qiimeeyay awoodooda ciidamada militariga ee ay heystaan.

Dalka Central African Republic ayaa galay kaalinta 127aad, waana dalka keliya ee Soomaaliya ka hooseeya awoodda xagga ciidamada militariga.

Qiimeynta la sameeyay waxaa dalalka loo tixgeliyay tirada dadka, tirada dadka shaqeeya, inta sanad kasta ciidan ku biiri karta,

ciidamada howlgalka ku jira iyo inta keyda ah, waxaa kale oo la tixgeliyaa awoodda ciidamada dhulka iyo cirka iyo xitaa dhaqaale ahaan.

Tusaale ahaan sida warbixinta ku qoran, Soomaaliya tirada dadka waxaa lagu qiyaasay 10, 817,354 qof, dadka shaqada gaaray waa illaa 2,700,000 oo qof, sanad walbo waxaa da’da ciidamada la qoraayo gaara Soomaaliya  illaa 203,00, waxaa kale oo la sheegay in ciidamada howlgallada ku jira ay gaarayaan 12,000, keydkana 24,000.

Ciidamada dhulka waxaa la sheegayaa in 140 taangi heystaan, gawaarida wax jiidana 230, waxaa intaa dheer ciidamada cirka oo warbixinta lagu sheegay in Soomaaliya aaney laheyn diyaarada Hilcopterka iyo maraakiibta diyaaradaha qaada, iskaba daa ciidamo xagga badda ahe.

Qiimeynta waxaa ku jira in dalkeena Soomaaliya aanu soo saarin wax shidaal ah balse ay isticmaasho maalintii wax ka badan 5,650 Birmiil.

Dhaqaale ahaan, waxaa la sheegayaa Soomaaliya waxaa shaqeyn kara in ka badan 3 Milyan oo qof, Militariga sanadkii hore miisaaniyadda la siiyay waa $58,960,000, waxaa dalkeena deyn ahaan lagu leeyahay $3,054, 000,000.

Warbixinta sida la sheegay dalka Mareykanka ayaa ugu horreeya, waxaa tobanka ugu horreeya awoodda ciidamada sidoo kale ku jira: Ruushka, Shiinaha, Hindiya, faransiiska, Ingiriiska, Jabaan, Turkiga, Jarmalka iyo Talyaaniga

Carabta iyo Afrika waxaa ugu awood badan dalka Masar oo dunida ka galay kaalinta 12aad, Iran tusaale ahaan kaalinta 20aad, Sacuudiga 24aad.

Dalka Itoobiya waxaa uu galay kaalinta 42aad halka Kenya ay gashay kaalinta 75naad, waxaa kale 91 galay dalka Uganda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com