Soomaaliya oo lumisay codkii ay ku lahayd QM iyo khudbadii Kheyre oo….

New York (Caasimada Online) – Xilli lagu waday in Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu khudbad ka jeediyo Shirka 72aad Golaha Guud ee Qaramada Midoobe, ayaa la shaki geliyay.

Antonio Guterres, Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe, ayaa qoraal uu soo saaray September 7, ku sheegay afar wadan oo Somaliya ku jirto inaanay wax cod ahi ku yeelan doonin Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobe, sababo ku aadan lacagaha qaaraanka oo lagu leeyahay. Somaliya, ayaa maanta uun heshay qoraalkan.

Somaliya, Guinea-Bissau, Comoros iyo Sao Tome & Principe, ayaa waxaa lagu leeyahay qaaraanka laga doonayo dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobe. Dalalkan waxaa lagu haystaa inaanay labadii sano ee la soo dhaafay bixin qaaraanka, ay khasabka tahay inay bixiyan.

Somaliya waxaa lagu leeyahay lacag dhan $1,354,435. Jaziiradda Comoros waxaa laga rabaa inay bixiso $876,418, iyadoo Sao Tome & Principe laga doonayo lacag dhan $779,636, halka Guinea-Bissau lagu leeyahay $46,439.

Dalalkan, ayaa waxay awood u yeelan doonaan inay codad ku yeeshaan shirka ka soconaya Magaalada New York, haddii ay bixiyan lacagaha lagu leeyahay.

Mid ka mid ah dalalkan, ayaa kari doono inuu cod ku yeesho shirka, haddii Golaha Guud Qaramada Midoobe uu u aqoonsado inuu dalkaasi ku fashilmay bixinta lacagaha ku waajibka ah.

Ra’iisal Wasaare Khayre oo maanta gaaray Magaalada New York, ayaa waxaa u diyaarsaneyd khudbad uu ugu talagalay inuu shirka ka jeediyo. Khudbadan, ayuu qorsheynayay inuu kaga hadlo horumarka dalka iyo is bedeladii dhacay, billihii ugu dambeeyay.