Ma tahay Qof rumeysan Allaah iyo Rasuulkiisa Muxammed (NNKH)?

Keligey ayaan ahaa, waxaan kujiray qol gaara, waxaan damcay inaan sameeyo xumaan. Aniga xumaan uma arkaya waxaas. Waxaan damcay inaan netka furo, heeso aan dhagaysta, sawirra xun xun aan daawado, aan dad caayo, anigoo waxyaabahaas oo dhan jecel inaan waqtiga ku dilo. Markii aan isu soo diyaariyey howlahaas inaan gudo galo, yaa waxaan is weydiiyey anigoonan jecleen inaan isweydiiyo su’aalo dhowr ah.

Yaan ahay anigu? Muslim sowma ahi?

Maxaan ku ahay Muslim? Sowma rumeysni nebi Muxammad (NNKH)?

Haddiiba aan rumeysnahay nebinnimadiisa markaas xaqiiqdii waxaan rumeysanahay jirintaanka Ilaahay.

Ma jecli doqonnimada, laakiin wixii uu igu yiri shaqsigii aan rumeysnaa, iyo wixii uu iga reebey iyo wixii uu i amray haddii aanan ka reebtoomin, oo aanan falin, markaas sow doqon u bareeray ma noqonaya ciqaabta arrinkaas?

Waxaan isweydiiyey yaa ciqaabtaasi fulinaya?

Wuxuu shaqsiga aan nebinnimada u rumeyey (NNKH), ii sheegey in uu Ilaahay fulinaya.

Haddaba warkaasi waa run xaqiiq ah.

Tusaale ayaan soo qaatay.

Haddii uu boqorka magaalladeyda uu nin iisoo dira oo uu igu yiraahda waxaas iyo waxaas haddaad samayso waalagu ciqaabi dab ayaana lagugu gubi, dabeetana uu iisoo dira rag iga ilaaliya waxa la iga reebey oo haddii aan falo u sheega boqorka. Markaas digtooni ayaan samayn lahaa si dhab. Markaas ma dhagaysan lahayn heesta haddii uu boqorka iga reebey anigoo ka cabsanaya ciqaabtiisa dabka, markaas ma beenin lahayn warka ninka uu iisoo direy, markaas ma daawan lahayn sawirro xun xun haddii uu iga reebi lahaa, markaas markaas, markaas, markaasi ma samayeen wax walboo uu iga reebey. Waana fulin lahaa wax walboo uu i amray.

Ninka aan sidaasi uga baqaya ee boqorka ah, ciqaabta ugu weyn ee uu i marsiin kara haddii aan amarkiisa khilaafo waxay tahay inuu halmar i gubo oo aan sidaas kudhinto.

Ka warrama Allaha weyniga badan ee keliga ah ciqaabtiisa, haddii aan caasiya nebigiisa iyo isaga. Haddii aan falo wuxuu iga reebey asagoo ii jeedo. Waa ciqaab naar olal badan oo 70 000 darajo ka xanuun badan dabka adduunka, waana mid aanan halmar ku dhimanayn ee aan weligey ku jiraya.

Haddii aan waxaas oo idil aan iska indha tira oo aan xumaantaasi ku dhiirada.

Wallaahi doqon baan ahay, mana rumeysni ciqaabta Alle, iyo jiritaankiisa, iyo Rasuullimada nebigiisa.

Haah!! maxaa yeeley haddii aan sidaas sameeyo, waxay ila tahay dhalanteed warkan la sheegaya, waxaana iga dhaadhacsan in lagu iman doono nooc riyo riyo ah oo aan xaqiiq ahayn.

Oo ma intii aan arkay dalaa’il iyo xujooyin cad cad oo agta Rabbigey ka yimid ayaan sidaas sameeynayaa? Ma waxaan dafiri karaa abuurkii hore, ee Ilaahay iyo in nolasha adduunyada ay iyadu tahay midda riyo riyada ah tan xaqiiqadana aan geli doonna marka aan tan adduunka ka toosno oo aan dhimanno?

Waxaan damcay inaan waxaas oo idil dafira oo aan laad ku maro, anigoo is illawsiinaya, kana qoomameynaya sababtii aan isu weydiiyey su’aalahaasi.

Waxaan durba soo xasuustay hadal laabta ii qaboojiyey oo aan kala soo dhex baxay kitaabka aan qaadan waayay wuxuu iga reebaya, kaasoo ah ”Alle waa qafuuru raxiim”.

Aad baan u farxay.

Haa Alle waa qafuuru Raxiim, naxariis badan, wuuna ii dembi dhaafi doonaa ayaan iska dhaadhiciyey.

Ku qabso ku qadi meysid ayay sheekadii ii noqotay. Laakiin xaal wuxuu is baddalay markaan soo xasuustay inay daran tahay ciqaabtiisa (Shaddiidul Ciqaab).

Labo dariiq ayaa ii furmatay oo ah

In aan waxa kan xumaanta aan sameeyo, oo aan noqdo qof aanan yaqiinsaneen yaqiin dhab ah iyo xaqiiq in la isasasoo saaraya, oo la is xisaabinaya (laakiin afka ka yiraahda soo saariddu waan rumeysanahay iyo ciqaabtuba).

Ama in aan waxan ka reebtooba, oo aan noqdo qof yaqiinsan yaqiin dhab ah, kana cabsada carada Alle.

Markaasaan xasuustay weynida Alle, oo waxiday, oo aan ku xamdiyey, oo aan weyneeyey. Allaahu akbar.

Walaalkay Muslimka ahaw, walaashey Muslimadda ahay, is weydii xumaan marka aad samayneyso, ma ogtahay inaad dafireysa jiritaanka Rabbi, ma ogtahay inaad dafireysa rumeynta nebi Muxammad (NNKH), ma ogtahay inaad dafireysa isasoo saarka Qiyaamaha iyo Janno iyo naar.

Nebigu (NNKH), wuxuu yiri ”Qof Muslima ma sinneysto”. Macnaha iimaankii (rumeyntii xaqa Qiyaamaha, isasoo saarka, naar iyo Janno) ayaa laabtiisa laga saaraa, markaasuu xumaanta ku dhacaa. Wal ciyaadu billaah.

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi