Taabit Cabdi iyo gabood falkii xalay ku dhacay reer Muqdisho

Musuq maasuqa ma ahan kaliya in lacag la xado ama wax la is daba mariyo. Macnaha dhabta ah ee ereyga musuq-maasuq ayaa ah “Ficili daacad darro ah, ama qiyaano ah oo ay ku kacaan kuwa awoodda ama xukunka haysta, inta badanna waxaa ku lug leh laaluush”.

Qeexitaankaas waa kan xalay uu ku kacay guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, markii uu xilka ka qaaday guddoomiyeyaasha 15 degmo oo ka mid ah kuwa gobolka Banaadir, kuna beddelay 15 kale, oo saaxiibadiisa ah.

Adduunka kama dhicin tiro xilal ah oo intaas la eg oo mar qura isbeddel lagu sameeyey. Haba lagu sameeyo maba xumee, haddana lama sheegin wax sabab ah oo xilka looga qaado, kuwa lagu beddelayna ay ku muteysteen.

Marka ay saas dhacdo, waxaa meesha ka muuqata kaliya hal arrin, oo ah in kuwa xilka cusub loo dhiibay ay ku yimaadeen saaxiibtinimo iyo laaluush ama wax u dhigma. Waxaa sidoo kale jiri kara waxyaabo kale oo intaas aan ahayn, haddii kuwa xilalka abaal-mariyey iyo kuwa lagu abaal mariyey kala yihiin laba jinsi, sida lab iyo dhidig.

Xitaa haddii ay dhacdo in Taabit qiil u heli karo xilalkii uu ka qaaday 15-ka guddoomiye ee gobolka Banaadir, waxaa qof walba is-weydiin karaan ‘suurta gal ma tahay in 15 guddoomiye wada xumaadaan, oo ay noqdaan kuwa aan howshooda gudan karin?, haddii ay jirtana muddada kooban ee Taabit uu xilka hayo ma lagu ogaan karaa?’.

Dhibaatada Soomaalida haysata iyo madaxda hadda jirta ayaa ah in xilalka noqdeen wax lagu bixiyo saaxiibtinimo ama lagu qaado. Marka guddoomiye meel yimaado wuxuu wataa saaxiibadiisa gaarka ah oo xil wada raba. Xitaa haddii kuwa xilka haya yihiin kuwa umaddu mahdisay, waxa ay xilkooda ku waynayaan qancinta saaxiibada kale.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in sideed ka mid ah gudoomiyeyaashha uu Taabit magacaabay ay yihiin qurbe-joog ka yimid Yurub iyo America, oo aan waxba kala socon degmada ay maamulayaan, weligood arag, ku noolaan, oo xitaa aan ka aqoon hal qof. Kaaga sii daran’e laba ka mid ah ayaa ay hal magaalo ku wada noolaayeen Taabit Cabdi, magaalada Bristol ee UK.

Waxaa meeshan kaaga cad inaan la dooneyn in xal la helo, laakiin ujeedka ugu weyn ay tahay in saaxiibada la qanciyo. Waa cayaar aan dhammaan oo lagu dul hayo kuwa aan damiirka iyo dadnimada lahayn ee Muqdisho ku nool, oo wax walba oo lagu sameeyeo u dul-qaata.

Wixii lagu dul dheelaba waxaa hadda dusha looga soo gamay guddoomiye magaalada ka maqnaa sanado badan iyo saaxiibadiisa, oo aan waxba kala socon magaalada.

Heerka musuq-maasuq wuxuu hadda gaaray xitaa heer musuq-maasuqa yiraahdo “Waxan musuq maasuq ka weyn ee erey bixin kale ha loo sameeyo”.

Waa ku takrifal awoodeed oo aan horey u dhicin. Waa xad gudub lagu sameynayo nolosha shacabka masaakiinta ah ee Muqdisgho. Waa ficilo dhalin doono wax qabad la’aan horseedda inay sii kordhaan dilalka iyo qaraxyada magaalada. Waa ficil uu qaaday shaqsi aan karti, dadnimo iyo garaad midna lahayn, oo horseedi doona in nolosha dad badan ay magaalada ku baxdo.

Dadka Muqdishow kaca, ama suga marka la idiin soo magacaabo Kenyati ama Ethiopian. Waddadaas koleyba waad haysaan.

W/Q: Cabdiqani Cabdullaahi Muudey
Muqdisho, Somaaliya